‘Radio SLpost’ – Maareeyaha Wakaalada Korontada Hargeysa oo Madaxweynaha Ugu baaqay inuu Xal ka Gaadho Dhibaatada haysata hay’addaas

Hargeysa (SLpost)-Maareeyaha Wakaallada korontada Axmed Weli Xaawo uu u madaxweyne Siilaanyo xilkaasi u magacaabay,  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade iyo Guddi uu ka tirsan yahay oo loo xil-saaray xal-u-helidda Wakaaladda Korontada oo musuq-maasuq lagu eedeeyey.

Weli Axmed Xaawo, Maareeyaha Wakaaladda Korontada HargeysaWeli Axmed Xaawo oo ilaa wakhtigan Mareeyaha Wakaaladda Korontada ku ah Digreetadii madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay, isla markaana aanu Madaxweynuhu soo saarin digreeto burinaysa magacaabistiisii hore, ayaa sheegay in wasiir Xaabsade iyo Gudi uu dhawaan u magacaabay wakaaladda korontada ay cabudhin iyo caga gulayn ku hayaan shaqaalaha walaakada korontada.

Weli Xaawo

SOMALILANDPOST.NET