Rabshado Hadheeyey Munaasibad Xisbiga Waddani u Qabtay Taageerayaal Cusub oo u diga-rogtay (DAAWO)

Hargeysa (SLpost)- Rabshado khasaare kala duwan ka dhashay, ayaa hadheeyey gunaanadka Munaasibad lagu qabtay Huteel Crown ee magaalada Hargeysa oo Xisibga Mucaaradka ah ee WADDANI ku qaabilayey Taageerayaal cusub oo ku biiray.

Dhalinyaro tiro badan oo Dhagaxan iyo waxyaabo ay gacanta ka tuurayeen ku hubaysnaa, ayaa Shiidka iyo Dhagax-tuurka bilaabay abbaaro 12:00-kii Duhurnimo ee maanta, markaas oo ay Dhagaxa ku qaabbileen Masuuliyiinta, Marti-sharafta iyo Taageerayaasha WADDANI oo Munaasibadda oo gebogabawday dibedda uga soo baxay.

Waxaana markii sidaa ay dibedda Huteelka ugu soo baxeen Taageerayaasha, Masuuliyiinta WADDANI, Marti-sharafta Munaasibadda kala qaybgalay iyo Suxufiyiinta wax ka duubayey Xafladdaasi, sida dhibicda oo kale ugu hooray Dhagaxanta ay tuurayeen Dhalinyarada faraha badan oo ay Xisbiga WADDANI iyo Mulkiilaha Huteel Crawn ku eedeeyeen inay Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE soo abaabuleen oo la doonayo in nabadgelyada iyo taageerada WADDANI lagu carqaladeeyo.

HALKAN KA DAAWO WARKA RABSHADAHA HADHEEDHAY XAFLADDA XISBIGA WADANI