Raberto Baggio oo amaanay tayada xulka Talyaaniga iyo Kooxda Juventus

SLpost Sports – Halyeyga kubada cagta dalka Talyaaniga Roberto Baggio ayaa ka rajeynaya kooxda Juventus iyo xulka qaranka Talyaaniga in ay guulo waaweyn keenaan 12-ka bilood ee soo socdaa.
Baggio oo ka mid ahaa xiddigihi soo maray Juve iyo Italy mudadi uu ku jiray xirfadiisa kubada cagta ayaa sheegay in labada dhinacba ay soo mareen waqtiyo adag balse markaan la gaadhay xilligi ay kor u qaadi lahaayeen koobabka “Juventus way ku guuleysan kartaa xilli-ciyaareedkaan horyaalka Scudetto waana, sidoo kale waxaan hubaa in ay talaabo muhiim ah qaadi doonto Talyaaniga koobka Euro 2012.” Ayuu yidhi Baggio.
Waxa uu ka hadlay horumarka kubada cagta Talyaaniga ay sameysay xilli- ciyaareedkaan“Kubada cakta Talyaaniga waxa ay bilowday in ay iyada is hagaajiso, waxaa muuqanayo in xulka qaranka uu xooga saaray dhalinyarada waana calaamad wanaagsan, hada waxaa jira kooxo tartanka Yurub kasoo dhalaalay sida Milan, Napoli iyo Udinese.” Ayuu yidhi.
Robert Baggio ayaa ka mid ah xidigaha ugu caansan ee soo maray dalka Talyaaniga isaga oo wacdaro muujiyey sannadihii Sagaashamaadkii oo uu Xiddigga Adduunka noqday.

SLpost Sports News

sports@somalilandpost.net