Raage Oomaar oo Ka tagay Al-Jazeera, kuna Biiray Telefishan kale oo Caan ah

London (SLpost)- Wariyaha Caalamiga ah ee Raage Oomaar, ayaa si rasmi ah ugu biiray Telefishanka ITV ee xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska, ka dib markii uu ka tagay Telefishanka Aljazeera oo ka hawlayey Lixidii sanno ee u dambeeyey.

Raage Oomaar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland haseyeeshee haysta dhalashada waddanka UK, waxa uu telefishanka ITV ku  biiray todobaadkan ka dib markii uu ka tagay telefishanka Xaruntiisu tahay Dalka Qadar ee Al-Jazeera oo uu ku biiray sannadkii 2006-kii.

Rageh Oomar waxa  magaciisa iyo xirfaddiisa wariye-nimo soo shaac-baxday isla markaana uu sumcad ballaadhan ku helay Duullaankii Maraykanka iyo Xulafadiisu ku qaadeen dalka Ciraaq sannadkii 2003-kii oo isaga oo ka hawl-gala Telefishanka BBC uu wararka ka soo gudbin jiray saqafka sare ee Hoteel ku yaala badhtamaha magaalada Baqdaad.

Raage OomaarMaaha markii u horreysay ee maamulka telefishanka ITV u iska dayo inuu soo jiito Raage Oomaar, haseyeeshee waxa ay hore isugu dayeen inay soo xero-galiyaan sannadkii 2004 wakhtigaas oo u laba sanno oo kaliya ka shaqaynayay Al-Jazeera.

Raage Oomaar oo ka hadlayey dareenkiisa ku aaddan ku biiritaanka Telefishanka ITVNews, waxa uu yidhi, “Inaan ku biiro ITV waxa ay iiga dhigan tahay inaan ku soo laabtay tebinta wararka oo ah halka aan ka bilaabay Xiisahayga Suxufinimo,” waxaanu intaas ku daray, “Waxaan aad ugu xiiso qabaa inaan ku biiro hay’ad warbaahineed oo sideeda oo kale sumcad iyo taariikh cajiib ah u leh.”

Maamulka Telefishanka ITVNews oo ka hadlayey hawsha suxufinimo ee Raage Oomar ka dabooli doono warbaahintooda, ayaa sheegay inuu qaabilsanaan doono tebinta Warar kala duwan oo baaxad leh iyo soo saarista Warbixinno gaar ah oo si qoto dheer uga hadla dalka Boqortooyada Ingiriiska iyo haddii loo baahdo, warar ku saabsan dunida inteeda kale.

Raage Oomaar oo ku guulaystay abaalmarin caalami ah isla markaana sumcad ku helay wararkii Telefishanka BBC-du ka tebin jirtay Duullaankii lagu qaaday dalka Afghanistan, ayaa ka shaqaynayey barnaamijyada dabo-galka iyo kuwa musal-salka ah intii uu ka shaqaynayay telefishanka Al-Jazeera, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen taxane uu ka sameeyey Addoonsiga Qarnida 21aad.

Agaasimaha wararka ee ITV Michael Jermey oo ka hadlay mihanadda suxufinimo ee Raage Oomaar, waxa uu sheegay inuu ka mid yahay wariyeyaasha faro-ku-tiriska ah ee wakhtigan ka hawl-gala telefishannada wararka ee Caalamka, “Oomar wuxuu ka mid yahay wariyeyaasha telefishannada wararka ugu wanaagsan ee wakhtigan,” ayuu yidhi Mr Jermey.

Raage Oomaar oo ka soo shaqeeyay idaacadda iyo telefishanka BBC, waxa uu sidoo kale hore ugu warrami jiray telefishannada Channel 4, Sky News iyo ITV. Raage Oomaar waxa uu sidoo kale Qoray laba buug oo lagu kala magacaabo Revolution Day: the Real Story of the Battle for Ciraaq (Oo xambaarsan Sheekada dhabta ah ee dagaalkii Ciraaq) iyo Only Half of Me: Being a Muslim in Birtian (oo ka warramaya xaaladda Qofka Muslimka ah ee ku nool Dalka Ingiriiska).

Somalilandpost.net/Hargeysa

kaariye[at]somalilandpost.net