Qurbejoogta Somaliland ee haysta Dhalashada Dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka oo Si Adag u Naqdiyey Dhawaaqyada lagu Cambaareeyey Amniga Dalka

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah qurbo-joogta Somaliland ee haysta dhalashada dalalka  Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa ganafka ku dhuftay inay jirto xaalad nabadgelyo-darro oo dalka ka jirta, iyaga oo tixraacaya dhawaaqyada dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanku kaga deyriyeen xaaladda amni ee Somaliland.

Qurje-joogta haysata dhalashada dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegeay inay Somaliland ka jirto nabadgalyo buuxda oo cid walba isku halayn karto, iyagga oo sidoo kalena hoosta ka xariiqay muhiimada ku jirta in dawladda Somaliland samayso baadhitaano la xidhiidha cabsida dalalka Ingiriiska iyo Maraykanku sheegeen inay Somaliland taalo.

UKSLUSShirkan jaraa’id oo xubnaha Qurbejoogga ah ay kala qayb-galeen Guddoomiyaha ururka Qurbjoogta Somaliland iyo Maayar ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, ayaa waxay gabi ahaanba meesha ka saareen nabadgalyo xumida iyo xumaanta cadowgu ka faafinayo Somaliland, iyagga oo shacabka reer Somaliland guddo iyo dibadba ugu baaqay inay gacmaha isku qabsadaan inay meel uga soo wada jeedsadaan dalkooda.

Ku-xigeenka Duqa Caasimadda Cabdicasiis Caga-weyne oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida qurba-joogto ay dalkooda u jecel yihiin wanaagiisa isla-markaana uga dhiidhiyayaan xumaanta iyo nabadgalyo darada laga faafinayo, isaga oo xubnaha qurba-joogta ahna ku bogaadiyey shirka jaraa’id ee ay ku difaaceen amaanka dalkooda.

Guddoomiyaha Hay’adda qurba-joogta Somaliland Maxamuud Cabdiraxmaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wax ka tilmaamay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland u soo martay nabada ay ku caano maashay.

Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa si isku mid ah uga hadlay isla markaana muwaadiniintooda uga digay inay u safraan Somaliland iyaga tallaabadaas u nisbeeyey xaalad-nabadgelyo darro oo ay sheegeen inay ku soo fool-leedahay Somaliland.

Haseyeeshee, xukuumadda iyo Shacbiga Somaliland, ayaa ka biyo-diiday dhawaaqyadaas oo ay ku tilmaameen mid aan ka tarjumayn xaqiiqada dhabta ah ee ammaanka Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET