Qurba-Joogga Gabiley iyo Kaalinta uga bannaan Horumarinta Gobolka – W/Q: Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi (Qaybtii 2-aad)

Dhammaan Akhristayaasha Sharafta iyo Qadarinta iga mudan waxaan dhammaantiinba idinku salaamayaa Salaanta Islaamka.

Guud ahaanba Qurba-Joogga reer Somaliland kaalin lama-illaawaan ah ayey ku lahaayeen welina ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalkeena, doorkooduna waa mid aan la iska indho-tiri karin. Laga bilaabo heer Qoys, heer Tuulo, heer Degmo, heer Gobol illaa heer Qaran; Qurba-Jooggu waa kuwa waqtigan xaadirka ah la isku dhaafay. Shaki kuma jiro arrintaas. Maantana horumarka ka socda Degmooyinka iyo Gobollada dalkeena Jam. Somaliland waxaad si cad uga dareemaysaa arrintaa iyada ah oo si weyn u muuqata. Gobolkii ay Qurba-Jooggiisu si dhab ah ugu hawlgalaan ee ay si wadajir ah ugu guntadaan horumarkiisa, wuu ka horreeyaa dhinac walba Gobolkii ay Qurba-Jooggiisu hagradeen.

xildhibaan Nimco(Afeef: Marka aan ka hadlayo waxtarka, saamaynta iyo kaalinta ay Qurba-Jooggu ku leeyihiin horumarka dalka iyo dadka JSL; yaan marnaba loo qaadanin ama aan loo fikirin inaan Qurba-Joogga buun-buuninayo oo aan huwinayo magac iyo humaag aanay lahayn Qurba-Jooggu, isla markaana aan abuurayo dareen ama fikir dhiirri-gelin kara Tahriibta. Waxaan aaminsanahay in Tahriibtu tahay aafo Qaran oo xanuun iyo dhibaato badan ummaddeena ku haysa. Anigu qof ahaan si aan xadlahayn baan uga soo horjeedaa cid kasta oo ku dhaqaaqda, ama dhiirri-gelisa amaba taageertaTahriibta).

Qaybtii 1-aad ee maqaalkaygan waxaan ku soo sheegay inaan qof ahaan is leeyahay, malaha Qurba-Joogga u dhashay Gobolka Gabiley sidii la rabay ugamay qayb-qaadan ama ugumay hawlgalin inay wax ka qabtaan baahiyaha baaxadda leh ee ka jira Gobolka Gabiley. Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqay Ragga Qurba-Joogga ah ee u dhashay Gobolka Gabiley. Dabcan, marnaba may ahayn ujeedadaydu inaan Ragga Qurba-Joogga ah ee Gobolka Gabiley si gaar ah u bar-tilmaansado ama dhalliil aanay lahayn dusha ka saaro. Nuxurka iyo ujeedada aan arrintan ka  lahaa waxay ahayd baraarujin aan Ragga Qurba-Joogga ah ee reer Gabiley ku dhiirri-gelinayey oo aan ku lahaa: “Waxaad tihiin gadh-wadeenkii iyo hoggaankii Bulshada Gobolka Gabiley, gudaha iyo dibeddaba, ee waxaa la idiinka baahan yahay inaad garataan kaalinta idiinka bannaan inaad si dhab ah ugu guntataan Horumarinta Bulshada ku nool Gobolka Gabiley.”

Qaybta 2-aad ee maqaalkaygan waxaan jeclaan lahaa inaan ku sii ambaqaado aragtidayda aan ku falanqaynayo kaalinta uga bannaan Qurba-Joogga Gobolka Gabiley iyo sidii ay uga hawl-gali lahaayeen Horumarinta Gobolka Gabiley.

Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay gobollada ugu hodansan JSL marka dhinacyo badan laga eego. Ha noqoto tiro dad iyo aqoon, dalagga beeraha, duunyada xoolaha, iyo khayraadka dabiiciga ahba. Dhinaca kale, Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay gobollada ugu dakhliga badan ee Qaranka JSL u soo xereeya cashuuro badan oo hawlaha qaranka lagu maamulo. Gobolka Gabiley waxa ku yaalla Irridda Ganacsiga Geeska Afrika ugu muhiimsan (Tog Wajaale), taasoo ah halbawlaha ganacsiga u kala gudba JSL iyo dalweynaha Itoobiya. Waxaa intaa dheer, Gobolka Gabiley waxa ku yaalla Xarunta Kastanka Kalabaydhka oo ah marrinka ugu weyn uguna muhiimsan ee uu maro Qaadka ku socda Somaliland iyo Soomaaliya.

Haddaba, iyadoo arrimahan kor ku xusan oo dhammi ay yihiin kuwo xaqiiqo ah, Gobolka Gabileyna lagu tiriyo Gobollada  ugu dakhliga badan leh dalka, haddana waxaan dareensanahay inay jiraan baylaho  iyo baahiyo ballaadhan oo xagga horumarka bulshada ah oo ka jira dhammaanba degmooyinka iyo tuulooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Gabiley. Su’aasha in si dhab ah la isku weydiiyo mudani waxa weeyi:

Gobol hodan ah oo leh kaabayaashii ilaha dhaqaalaha oo dhan, isla markaana uu u soo hoydo dakhli badani, maxaa u sabab ah inuu haddana ka qatanaado oo uu sidii la rabay u dabooli kari waayo baahiyihii aasaasiga ahaa ee bulshada Gobolka ku nool (sida: waxbarshada, caafimaadka, maal-gashiga, wax-soo-saarka beeraha, dhallinyarada, fursadaha shaqada, iwm)? Jawaabta su’aashani waxay u baahantahay in si deggen oo aad u cilmiyeysan looga jawaabo, si muuqaal dhab ah looga helo arrimaha saldhigga u ah in Gobolka Gabiley uu ku liito xagga horumarka bulshada. Sidaa darteed, aniga aragtidayda jiyo awaabta aan ka bixin lahaa su’aashan waxaan jeclaan lahaa inaan u dhigto (Insha ALLAH) qaybaha dambe ee maqaalkaygan taxanaha ah.

Qofka ka shaqeeya horumarka bulshadiisa wuxuu gutay/ ama ay gudatay qayb ka mid ah xilkii bulshada ka saarnaa. Gudashada xilka bulshadu waa waajib saaran qof kasta oo bulshada ka mid ah, laakiin qofkii ay garashadu hagto ayuun baa garta oo ku baraaruga. Horumarka bulshadu wuxuu ka bilaabmaa marka qof (shaqsi) uu garto waajibka iyo xilka ka saaran naftiisa iyo intii kale ee uu ALLAH masuul uga dhigay. Danta bulshaduna waxay camirantaa marka uu iskaashi dhab ahi dhex maro shaqsiyaad iyagu ka soo baxay masuuliyaddoodii qof iyo qoys, dabadeedna u jeesta xilkii ka saarnaa bulshadooda.

Gobol walba wuxuu ku tamariyaa hadba siday bulshadiisu (Qurba-Joog iyo Qaran-Joogba) uga shaqeeyaan horumarkiisa. Haddii aad tihiin Qurba-Joogga u dhashay Gobolka Gabiley waxa laga yaabaa inay jiraan waxyaabo badan oo idinka agtiina aan qiimo badan ku fadhiyin balse bulshadiina waxtar weyn u leh. Waxaan aaminsanahay inay jiraan waxyaabo badan oo aad ummaddiina ka caawin kartaan dhan kasta oo ay tahayba. Tusaale ahaan, waxaad ku nooshihiin waddamo hore u maray oo aad ka hesheen waayo-aragnimo iyo khibrado dheeraad ah; waxaad soo kordhin kartaan xirfado, aragti iyo fikir cusub oo lagu dabbaqi karo horumarinta Bulshada ku nool Gobolka Gabiley.

 

La soco Qaybta 3-aad ee Maqaalkan,

Wa Billaahi Tawfiiq, 

 Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi  (Golaha Degaanka Gabiley)