“Qufulka weyn ee xidhan sida loo furayo inteeda badan inagay (Somaliland) inagu xidhantahay, su’aashuna marnaba ma noqonayso ha nala aqoonsado…”

Hargeysa (SLpost)- Prof. Axmed Ismaaciil Samater, ayaa markii ugu horreysay caddeeyey mowqifkiisa uu ka aaminsan yahay qadiyadda madax-bannaanid jamhuuriyada Somaliland iyo waxyaabaha uu qaban doonno dalkiisa hooyo, kadib markii uu soo dhamaystay Safar uu ugu baxay goboladda Dalka.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater uu warmay warbaahinta, waxaa kale oo sheegay in rabitaanka Somaliland hirgalayo iyada oo loo sinnaado Saami-qaybsiga Dawladda isla markaana ay ka dhex-muuqdaan dhammaan Beelaha kala duwan ee Dalka ku Nool.

Prof. Samater oo ugu horreyn ka hadlay waxyaabihii ku kalifay inuu dalka yimaado wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya ” Hadii aanan Somaliland iyo taariikheeda iyo halka ay taagantahay aanan qalbiga ku haynin dee ma imaadeen oo shaqo umaan soo doonaan Somaliland oo shaqo wanaagsan ILAAHAY wuu ii siiyey iyo waqti wanaagsan waan haysta halkaa aan joogo.Laakiin waxaa weeye kalgacal iyo aniga oo u baahday in aan dadkaygii isa-soo ursanoo oo aanu isa-soo aragno oo aanu isa-soo maqallo oo aanu soo wada doodno ayaan u imi.Umadda aan ka dhashay waxay go’satay iyo taariikhda ay samaystay intii karankayga ah in aan fahmo ayaan u imi waanan fahmay,markaa inaan dhinac ka raaco oo waxaan la qaban karo aan la qabto oo aan la shaqaysto waa waajib.”Ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samater

Axmed Ismaaciil SamatarProf. Axmed Ismaaciil Samater waxaa kale oo uu sheegay in la furo qufuladda waaweyn ee ku xidhan dunid oo laga gudbo qufulada yar-yar ee lagu meeraysanayo. “Qufulka weyn ee culus ee xidhan sida loo furayo inteena badan (Somaliland) inagay inagu xidhantahay oo su’aashu marnaba ma noqonayso ha nala aqoonsado ama maxaa naloo aqoonsan la’yahay,su’aashu waa inay noqota sidaynu u doonaana oo aynu u kasbana in layna aqoonsaddo,taasina cilmi iyo farsamo ayay u baahantahay.Laakiin cilmi iyo farsamo aynaan garan ayaan anigu qabaa inay u baahantahay, ma faatix waaweyn ayay adduunyadu leedahay, kuwo dhex ayay leedahay, kuwo yar-yar ayay leedahay marka haddii aad kuwo yar-yaruun aad ku mashquusho dee boqol sannadood cidii ku eegi mayso.Anigu waxaan qabaa waa inaan halkan ka sii dhisnaa Somaliland, Qaranimo iyo dawladnimo siyaasiyaad lagu yaqaanno caddaalad ay dadku u siman yihiin oo aan ka fogaana dowlad xaafadaysan, laakiin haddii la eegyo adduunyada lagama iibin karayo.”