Qoys U Dhashay Somaliland Oo Lagu Sumeeyay Wadanka Yemen iyo tirada Dadka u Geeriyooday (DHEGAYSO)

Yuusuf Googaar
                                 YUUSUF GOOGAAR

Sanca (SLpost)- Qoys ka kooban afar qof oo u dhashay Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in lagu sumeeyay magaalada caasimada u ah wadanka Yemen, suntaas oo sababtay inay laba kamid ah qoyskaasi geeriyoodaan halka labadii kalena lagu dawaynayo cusbitaal ku yaala magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Axmed Cabdi Aadan oo ah Suxufi madax-bannaan oo ku sugan magaalada Sanca ee wadanka Yemen, ayaa u xaqiijiyay shabakada wararka Englishka ah ee Somaliland Monitor iyo BBC da qaybteeda Af somaliga in halkaa ku geeriyoodeen 2 kamid ah qoyskaasi oo kala ahaa aabaha qoyska oo lagu magacaabi jiray Yusuf Diiriye Xasan kuna magic dheeraa Googaar iyo xaaskiisii, halka ay ku dhaawacmeen suntaasi laba hablood oo uu dhalay Yuusuf Googaar, kuwaas oo lagu dawaynayo cisbitaal ku yaala Sanca.

Wariye Axmed Cabdi oo ka waramaya siday wax u dhaceen ayaa sheegay in subaxnimadii Salaasada (August 8) ahayd ee lasoo dhaafay laga war helay dhibaatada ku habsatay qoyskaas, halkaas oo gurigooda ku yaala xaafada Cadamiya ee magaalada Sanca laga helay Yuusuf Diiriye Xasan Googaar iyo xaaskiisii oo mayd ah iyo dhaawaca laba halood oo uu dhalay marxuum Yuusuf Googaar.

HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA LALA YEESHAY WERIYAHA

 

 

Labada gabdhood oo lagu kala magacaabo Samasam Yuusuf Diiriye oo dadeedu tahay 19 jir iyo Amal Yuusuf Diiriye oo da’deedu tahay 18 jir ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka Mustashfa Dowli Al xadiis oo ku yaala magaalada Sanca.

Waxa kale oo wariye Axmed Cabdi oo u warayay Shabakad Somaliland Monitor sheegay inay marxuumka geeriyooday ee Yuusuf Googaar uu ahaa mid caan ka ah wadanka Yemen islamarkaana wax badan u qabtay somalida ku nool wadankaasi, isla markaana la soo shaqayn jiray hayado caalami ah oo ka shaqeeya samafalka bani’aadamka sida Hayada qaxoontiga aduunka ee  UNHCR.

Axmed waxa kale oo uu sheegay inaan wali war rasmi ahi ka soo bixin baadhitaanka lagu hayo sababta keentay in la sumeeyo qoyskaa, laakiin ay jiraan tuhuno lala xidhiidhinayo inay falkaasi ka dambeeyeen, sida hayada lagu magacaabo IDF oo marxuumka is dacwaynayeen, islamarkaana laba nin oo aan haybadooda la aqoonsani ay u dhaceen guriga marxuumka kana qaateen laptop marxuumku lahaa.