Qoys Muslim ah oo lagu eedeeyey inay dileen saddex hablood oo ay dhaleen oo lagu xukumay Xabsi-daa’in

Ontario, 30 January, 2012 (SLpost)- Maxkamad ku taala magaalada Ontario ee dalka Canada ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Aabo dhalashiisu ka soo jeeddo dalka Afghanistan, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay ka dib markii lagu helay inay ka dambeeyeen dilka saddex hablood oo uu dhalay iyo xaaskiisa minweynta ah oo aan carruur u lahayn.

Xeer-beegtiga maxkamadda ayaa ka hor intii aan xukunka la ridin sheegay in saddex qof ee dacwaddan loo haysto ay sheegeen inay beri ka yihiin dilka saddexda hablood oo la kala odhan jiray Zainab 19 jir, Sahar 17jir, Geeti 13 jir iyo Rona Amir 52 jir oo ahayd xaaska Minweynta aabaha qoyska oo aan carruur u lahayn.

Maydadka afarta qof ayaa sannadkii 2009 laga helay baabuur ku qallibmay meel Biriish ah oo ay ku nasteen wakhti uu qoysku ka soo laabtay dalxiis.
In kasta oo ay qoysku sheegeen inaanay dambiilayaal ahayn, haddana Xaakimka Maxkamadda kiiskan ku qaadayey ayaa dilka gabdhaha ku sababeeyey inay qoyskani ku tallaabsadeen dilka iyaga oo u bogi waayey dhaqan-dooris ku dhacay gabdhahooda oo ay beddeleen qaabkii lebbiska, kuna talaabsadeen inay la saaxiibaan wiilal aaanay isku dhaqan ahayn.

Qoyskan ayaa dalka Afghanistan ka tagay sannadkii 1992kii iyaga oo ka hor intii aanay dalka Canada degin sannadkii 2007 hore ugu soo noolaa dalalka Pakistan, Australia iyo Imaaraadka Carabta. Laba sanno ka hor intii aanay tagin dalka Kanada ayuu aabaha qoyska oo ah nin maal-qabeen ah waxa uu guursaday xaaskiisa Minyarta ah ka dib markii ay carruur u yeelan wayday xiiskiisa hore.

Sida ay maxkamaddu sheegtay, inanta ugu weynayd hablaha, waxa laga mamnuucay inay dugsiga tagto ka dib markii ay la saaxiibtay wiil asalkiisu ka soo jeedo dalka Pakistan balse ku koray Kanada isla markaasna ay gurigooda ka baxsaday taasina ay aabaheed ka cadhaysiisay.

Intii lagu gudo jiray dhegaysiga dawcadda, waxa la dhegaysiiyey codad uu Shafia kaga hadlayo dhaqanka hablihiisa iyo xaqiiqda inay wakhtiyada dambe u baxaan shukaansi iyaga oo isla markaasna meel kaga dhacaya sharafta qoyska.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net