Qorshe lagu Nidaaminayo Gaadiidka Dadweynaha ee ka dhex shaqeeya Caasimadda oo la bilaabay

Hargeysa, 19 March, 2012 (SLpost)- Kulan  lagu gorfaynayo  nidaaminta Gaadiidka basaska ayaa Maanta lagu qabtay Xarunta Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa kaas oo ay ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa Bilicda Caasimada.

Shirkan oo ay  ka soo qeybgaleen  xoghayaha  fulinta dawladda hoose  Mawliid  Waris  Cabdilaahi,  Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka iyo Agaasimaha Cashuuraha Rabiile Cumar  aw Cabdi, waxay ku sheegeen in la bilaabay  diwaan galinta basaska, kuwaasi oo loo samaynaayo  nidaam ay ku shaqeynayaan, isla markaana  la yareeyo  cidhiidhiga  ay suuqa ku hayaan.

Masuuliyiinta  dawlada  hoose  waxa kale oo ay sheegeen  in  shirkadaha  isgaadhsiinta  iyo laydhka ay ugu  baaqeeyn inay xadhkaha  dariiqyada  mara ay habeeyaan,  islamarkaana  nidaamka  bilicda  loogu  talo galay .

Dawladda  hoose ee Hargeisa  ayaa  wali waxa ay ku  guda jirtaa hawlgalkii lagu  nidaaminayey  suuqa Caasimada si loo soo celiyo bilicdii Caasimada Hargaysa.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net