Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee Xilli-roobaadka Gu’ga oo Curtay iyo Wasiirka Horumarinta Beeraha oo ka hadlay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland Md Axmed Muumin Seed, ayaa bulshada beeralayda ah ugu baaqay inay ka faa’idaystaan roobabka Gu’ga oo maanta ka curtay deegaamo ka mid ah Somaliland.

Wasiirka Beeraha oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu ugu baaqay Beeralayda dalka inay u diyaar-garoobaan sidii ay sannadkan kor ugu qaadi lahaayeen wax-soo-saarka dalagga la quuto oo ay sii laba jibbaaraan wax-soo-saarka Sannadkii hore ee 2019 oo ahaa markii u horeysay dalka ee laga diiwaangeliyey wax-saarkii ugu tirada badnaa dalagga ka soo go’ay Beeraha dalka.

Waxa uu wasiirku sheegay in, sida ay warbixinta Saadaasha hawada ku hayaan, sannadkan la filayo roobab ka badan kuwii sannadkii hore ka da’ay dalka, sidaas awgeed beeralayda booga baahan yahay inay sii kordhiyaan wax-soo-saarka dalagga.

Wasiir Axmed Muumin Seed waxa kale oo uu ka hadlay saamaynta uu dalagga wax-soosaar-ka dalka ku yeelan karo Koron-korta uu ka tagay Ayax sannadkii hore ku habsaday deegaamada Galbeedka iyo xeebaha ee dalka iyo guud ahaan mandaqadda Geeska Afrika.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland noqotay dalka ugu horreeya mandaqadda Geeska Afrika ee dhinaca diyaar-garowga ka dhanka ah saamaynta ka dhalan karta Eesha uu ka tagay Ayaxa oo saamayn ku yeeshay wax-soo-saarka Beeralayda sannadkii hore.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa dabayaaqada Sannadkii hore shaaciyey Qorshe wasaaraddiisu u dejisay la-dagaalanka iyo cidhib-tirka Ayaxa, kaas oo ah nidaam cusub oo lagula dagaalamayo Ayaxa oo aan hore looga adeegsan dalka.

Hadalka Wasiirka iyo Faahfaahinta Warkan, guji HALKAN

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net