Qoraalkii Ugu Da’weynaa Qur’aanka Kariimka Oo Laga Makatabad Ku Taalla Birmingham

Birmingham, (SLpost)- Qoraal Qur’aanka Kariimka ah oo ah kii ugu da’da weynaa inta la ogyahay ayaa laga helay maktabad ku taalla magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska.Qur'aan

Baadhitaan lagu sameeyay Qur’aankan oo lagu qorey maqaar dushii ayaa lagu ogaaday in la qorey 1370 sano ka hor.

Qoraalkan ayaa maktabadda Birmingham la keenay 1920-kii, iyadoo tan iyo xilligaasi aan la ogaan waxa uu ahaa.

Prof David Thomas oo ku takhasusay arrimha diimaha Islaamka iyo Masiixiga ayaa sheegay in qoraalkani uu qorey qof la kulmay Nabi Muxamad (CSW).

Qur’aankan waxa uu ku qoran yahay farta Xijaaziga ee afka Carabiga, oo ah sida Carabiga loo qori jiray xilligii Nabiga (SCW) iyo saxaabada.

Bulshada Muslinka ee deggan magaalada Birmingham ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin arrintan.

Source: BBC