Qoraalka boobe waa faleebo ku socota muwaadiniinta xalaasha ah,cidii inkirtana waa calooshiisa u shaqayste iyo qof bilaa mabda ah.

Waxaan marka hore salaamayaa inta akhrisata qoraalkan qiimaha badan ee Boobe  ee daaha ka rogaya masiibada runta ah ee dhalin gadida hogaamiye kasta oo aan doorano markuu kursiga haleelo oo uu cid gaar ah midida daabkeeda u dhiibo iyadoo aanu sharcigu ogolayn.waa qoraal ka soo butaacaya muwaadin xalaal ah oo aan waxba qarin, islamarkaana qalinkiisa ku badbaadiya qaranka iyo dhaqankan aan ku labisanahay waana Boobe Yusuf Ducale.

Boobe yuusuf ducale waa halyay  daacad ah,waa hal abuur,waa kaydka taariikhdii maguurtada ahayd ee madoobayd ee dalkani soo maray, waa cabqari run sheeg ah beena iyo mala awaalna ka fog. Waa qoraa lagu majiirto barta internetka uu ku leeyahay ee uu ku qaadaa dhigo halyeyadii hormoodka ka ahaa halgankii hubaysnaa ee SNM,waan biri ma,geydo.

Hadaba Boobe qoraalkiisa uu cinwaanka uga dhigay magacaabistaydii iyo maagistaydii laba isku lamaanaa,akhristaw waa faleebo ku socota muwaadiniinta xalaasha ah ee dal dhiska ah,waa qoraal bilaa turxaan ah aan ka duwanayn kan Bobe kaga sheekeeyo halgankii hubaysnaa ee SNM.qoraalka boobe markaad dhinac ka sitaagto waa garnaqsi uu doonayo in uu ku bayaamiyo inaanay waxba isaga ka qaloocan ee masiibo ragbadan cuntay meesha ku jirto dhinaca kalena wuxuu daaha ka faydayaa in madaxwaynuhu kaligii aanu maamulin ee cidkale midida daabkeeda lahayso.akhristaw qoraagu waa daljirka dahsoon wax kastoo qalooc uu ku arkana waa mabayaamiyaa waa hadaanu caado qaate ahayn ee sida boobe cabqari uu yahay ku dhaarta dalkiisa iyo dadkiisa oo xitaa uu haynkari waayay inuu afartan bixiyo.

Hadaba qoraalkan waxaa igu kalifay oo aan ka adkaysan waayay laba qoraal oo ku soo baxay wargaysa Haatuf 22/10/2012kii oo isku hoos qornaa waxaanan kaga jawaabayaa tixdan gabayga ah oo hoosta ka xariiqaysa in shaqsiga waalid xalaal ahi dhaleen ku dhiiran Karin inuu la yool yooltamo biri magaydo bulshadu ku dhaarato.

Dadkuba biri ma,gayduu leeyihiyo lama garaacaane .                                                                                 guda baas mid laga keenay oo qaraca mooyaane.                                                                             Ma gil gilo duqaytida ninkii aw ka soo go,aye.

Duruufaha nololeed ee inagu gadaaman ayaa dadbadan tusiyay inuu quutal daruurigiisa ku ilaashado oo uu ku raadiyo  qoraal uu derajo kaga doonayo cida ka saraysa ee dulaysatay islamarkaana ka indha tirtay xishoodka aadamaha huga u ah isagoo si indha la,aan ah mala awaal been ah oo aan nuxur lahayn wax uga sheega shaqsi aanu garanayn qiimaha uu bulshada ku leeyahay.waana agaasimaha Dawan Sayid iyo wiil la iisheegay inay isku hayb yihiin Wasiirka madaxtooyada. Bal aan sayid ku horeeyo,sayidaw waa lawada ogyahay waxaad ku samayso xaruntii Horyaal waa idaacadii Kulmiye ,keligaa ayaa gala oo ay u kiraysantahay shaqada aad ku hayso waa la yaqaanaan hadaad ka waantoobi waydo qoraalkan hanshaashaqa ah ee aad isleedahay wax ku difaac waxaa furmi doona qoraal ku qaawinaya oo aad u fool xun oo ah idaacadii horyaal halkii aad marisay iyo waxa aad badelkeedii ka dhigtay,run ahaantiina waad is ogtahay oo waxaad u nugushahay in wax lagaa sheego. Waxaad umudhuxsatay inaad sida fiinta uga daba qaylido halyay taariikhda dalkani baal dahab ah kaga jira waxaanad kasban doontaa cawaaqib xumo ka xun ta mala awaalka ah ee gacanta u duubatay. Sayid wuxuu ka mid yahay ashkhaasta boogta ku ah maamulka siilaanyo,inbadan ayaad bahda saxaafada ku jirta hadana lama hayo eray kaliya oo maanta saxaafadu kugu xasuusato,darajada aad haysato waxaad ku heshay mala awaal iyo caytan taariikhduna way ku qori oo beri ayaa banaanka lagu soo dhigi.akhristaw bal qoraalkan ninkani qoray u fiirso oo isku day inaad fahanto waa mid xaqiiqada ka fog oo ku xumeeya waana mid aan u dhan dhamayn inta aqoonta la saaxiibka ah ee xorta ka caade qaatenimo iyo calool ushaqaysi,waa qoraal aadan moodin inuu qoray nin intaa saxaafad ku soo dhex jiray waxaanu qoraalkan shaaca ka qaaday in sayid ka aradan yahay abuurista qoraal xitaa male awaal ku dhisan oo bulshada fikirka yar duufsan kara,runtii waxaa uu ka bixinayaa sawir aad u fool xun oo xitaa laga saluugi karo in layidhaa ninkani wuxuu gudoomiye ka yahay wargayska dhan ee Dawan ee afka xukuumad ku hadla.

qoraalka labaad ee uu qoray wiil dawlad u shaqeeya oo ay ehel dhawyihiin wasiirka wasaarada maaliya oo isku dayay inuu difaaco isagoo adeegsanaya luuqad ka aradan edaabta waxaa runtii hubaal ah in Akhristaw,shaqsiga wanaagsan ee xalaasha ah ee qoys xalaal ah ka soo unkamay damiirkiisu ma siinayo inuu bulshada uu ku dhex noolyahay uga sheekeeyo been uu shaqsi ku cambaaraynayo,akhristaw,qofka wanaagsan oo laba waalid oo runsheeg ahi bar baariyeen huna uga dhigeen diinteena suuban iyo sunihii Rasuulka [NNKH] marnaba kama suurtawdo inuu ku sifoobo wax xaqiiqada ka fog oo uu isleeyahay cid shaadhkale ugu xidh.wiilkani wuxuu doonay inuu Boobe caayo laakin muxuu isticmaalay? Wuxuu adeegsaday erayo edab daran oo kuu iftiiminay inaanu wiilkani helin barbarian wanaagsan,waxaana dhacda adigoo qof qoraal ku cay isleh inaad adigu iscaydo oo aad isa sheegto waxaad tahay iyo bulshada sidaad ula dhaqanto,waxaanan kula talin lahaa wiilkan intaanad qoraalkaaga saxaafaada usoo gudbin fadlan luuqada san soo baro oo waalidkaa ha caayin oo muuqaal xun haka gudbin,waxaa wanaagsanayd in jaraa,idka uu qoraalka usoo gudbiyay tafatiro oo talo ka siiyo sida wax loo qoro laakiin Haatuf waxaa madax maray cadhadii ay u hayeen Boobe oo laga fasiran karo qoraalka caynkaa ah ee soo dhaafo oo wiilkaa yar ka dhigay caal waa.

Abdirashiid Sh. Cabdiwahab Sh. Ibrahim [Biqil]

Ganni94@hotmail.com , biqil123@gmail.com

tell: 9101710 somtel,   4620929 telesom