Qolka yar ee VIPda ee Madaarka Hargeisa, khalad ayaa laga fahmay!

QALINAnigu ma ihi Muxaafid, mana ihi Mucaarid, waxaanse ahay Muwaadin jecel horumarka dalkiisa iyo dadkiisa, gaar ahaana waxaan aad u xiiseeya ulana socdaa horumarka garoomada diyaaradaha ee Somaliland iyo guud ahaanba aviationka, taasaana keenta inaan marar badan Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi inaan hawada u mariyo talooyin, tilmaamo iyo tusaaleyaal ku saabsan aviationka, aniga oo aan magac, mansab, maal iyo muunad midnaba kaga doonahaynin.

Ujeedada aan maanta qalinka u qaatayna waa inaan wax ka bidhaamiyo habka loo sugo nabadgelyada madaarada caalamiga ah, cida geli karta, halka loo ogol yahay in dadku gaadhaan, iyo inaan wax ka tilmaamo QOLKAN yar ee VIPda ee ku yaala garoonka Hargeisa ee khaladka laga fahmay, ee Wasiir, Wadaad, iyo oday waliba doonayo inuu shir jaraa`id ku qabto isaga iyo cida uu xambaarsan yahay!!!!

Marka laga hadlayo garoon caalami ah, waa goob la ilaashay, waa meel ka caagan inay galaan cid aanay khusayn, ka shaqayn, amaba aan ka dhoofahayni, sidaa daraadeed garoomadu waa “restricted area”, sidaa marka ay yihiina waxa lagu geli karaa ogolaansho gaar ah, cida gali kartaana waa:-

  1. Shaqaalaha ka shaqeeya oo isugu jira shaqaalaha dawliga ah ( wasaaradaha kala duwan, hay`adaha nabadgelyada iwm) iyo shaqaaalaha shirkadaha gaarka ah (kuwa diyaaradaha iyo kuwa ganacsiyada ku dhex haysata, iwm). Dhamaan shaqaalahaasi waxa waajib ah inay yihiin kuwo ay soo hubiyeen hay`adaha nabadgelyada qaabilsan, lana cadeeyey in aanay wax dembi culus ah gelin, khatarna ku ahayn nabadgelyada garoonka. Intaa marka la hubiyo, waxa la siiyaa cardka lagu galo garoomada ee loo yaqaano “Airport security pass”. Marka ay galyaan garoonka waa inay maalintaa shaqada ku qoran yihiin (on duty), taa macnaheedu waxa weeye, haddii aanuu maalintaa qofku shaqada ku qornayn, shaqaaleba ha ahaadee, suurtogal maaha inuu galo gudaha airportka, iyada oo Cali iyo Caasha loo garanayo, waayo hawli uma taaloo maalintaa!

Shaqaalaha ka shaqeeya garoomada caalamiga ahi waxay kala leeyihiin xuduud aanay dhaafi karin, cardska ogolaanshaha ee Airportka ay ku galaana waxay kala leeyihiin darajooyin kala sareeya (inta aan ka aqaano 5 darajo), iyo midabo kala duwan kuwaas oo ay si cad ugu qoran tahay halka qofka shaqaalaha ahi uu gali karo iyo goobaha ka mamnuuca ah labaduba. Tusaale ahaan, Shaqaalaha ka shaqeeya qaybta hore ee Airportka ee loo yaqaan “Landside” (waa halka ay ku yaalaan goobaha dadka dhoofaya ay shirkadaha diyaaraduhu ugu hubiyaan tigidhada, passporada, ugu miisaamaan shandadaha, kana siiyaan warqada loo yaqaan boarding passka ee diyaarada in aad raacdo kuu ogolaanaysa), shaqaalaha halkaa ka shaqeeyaa haddii aanay haysan card u ogolaanaya, ma gali karaan gudaha airportka ee shishe iyo wixii ka dambeeya goobta passporada lagu hubiyo ee loo yaqaan (immigration/passport control), sababta oo ah waxay haystaan cardka heerka darajada koowaad.

Wixii ka dambeeya immigrationka waxa loo yaqaanaa “Airside” waxaana gali kara shaqaalaha sita cardka heerka labaad, kuwaas oo ka shaqayn kara qaybta hore iyo qaybta dambe ee gudaha dhismaha madaarka (Terminalka). Sida keliya ee ay halka loo yaqaan apronka ama goobta diyaaradaha lagu parking gareeyo iyo meelo ka sii dambeeya ay ku gaadhi karaana, waa inay haystaan card heerkiisu sareeyo, waa derejada saddexaad iyo wixii ka sareeya oo u ogolaanaya inay goobahaas gaadhi karaan. Runwayga, taxi-wayga, Hangarada dayactirka, towerska laga hago diyaaradaha, goobaha dabdemiska, iyo meelaha la hal maala waxa geli kara uun masuuliyiinta waaweyn iyo shaqaalaha ku qoran oo keliya.

Anigu shakhsiyan, wakhti aan ka shaqaynayey airport caalami ah, muddo dhan 3 bilood ayey igu qaadatay inaan u gudbo oo ka shaqeeyo qaybta airside-ka ee madaarka, taana waxa keenay nidaamka nabadgelyada garoonka oo adkaa, iyada oo aad loo hubinayey cida loo ogolaanayo inay gali karaan gudaha shishe ee madaarka shaqaaleba ha noqdaane!

  1. Cida labaad ee gali karta gudaha Airport caalami ahi waa Rakaabka ka dhoofaya, kuwaas oo sita Passportkii ay ku socdaalayeen oo aan dhacsanayn iyo tikidh diyaaradeed ay ku qoran tahay inay maalintaa dhoofayaan, weliba saacadaha dhow ee soo socda, lana hubiyey inay kuraas la hubo ku leeyhiin duulimaadka ay ku qoran yihiin (Confirmed booking) amaba ay yihiin kuwo ku jira liiska sugayaasha (waitlist). Inta badan, garoomada caalamiga ah ee aan arkay dadka la socda cida dhoofaysaa, way gali karaan qaybta soke ee airportka ee loo yaqaan landside-ka ilaa goobta miisaanka diyaaradaha, waxase jira garoomo dadku aanay dibeda ama deyrka xayndaabka soo dhaafi karin haddii aanay dhoofahanynin. Waxa jira garoomo lacag ka qaada dadka sii sagootinaya dhoofayaasha una ogolaada inay galaan gudaha soke ee dhismaha madaarka, waxa kale oo jira garoomo aan wax lacag ah ka qaadin sagootiyayaaasha una ogolaada inay galaan landsideka. Waa garoon iyo xaaladii, waa garoon iyo cida maamusha, taas oo ay inta badan saameyn ku leedahay hadba siyaasada maamul ee lagu dhaqmo, sida ay tahay xaalada nabadgelyo ee ka jirta goobta/magaalada/dalka madaarku uu ku yaalo, tirada dadka dhoofaysa, wakhtiga lagu jiro, iyo baaxada dhismaha airportka (terminal) iyo inta uu dad qaadi karo.
  1. dabcan, cida kale ee geli karta gudaha garoomadu waa Masuuliyiinta qaranka ee ku shaqada leh hawlaha ka socda garoonka, haday yihiin masuuliyiin wasaaradeed iyo haday yihiin masuuliyiinta laamaha kale ee dawlada sida nabadgelyada oo kale. Waxa is weydiin mudan, Masuul xukuumadeed oo aan dhoofahayn isla markaana aan wadin una socon hawl qaran ma gali karaa gudaha airportka? Aniga aragtidayda, marka dhinaca wanaagsan laga eegayo, xaalad nabadgelyo oo culusina aanay jirin, HAA masuulkaasi wuu geli karaa garoonka walow yaanuu hawl qaranba u socone. Su`aasha kale ee is weydiinta lihi waa, cida uu wato masuulkaasi ee aan masuuliyiin qaran ahayn, dhoofayaalna ahayni ma gali karaan gudaha garoonka? Jawaabta oo koobani waa MAYA, ma jirto sabab ay u galaan gudaha airportka.

 

Markaan u soo noqdo qaylada ka taagan QOLKAN YAR EE VIPda ee ku yaala madaarka Hargeisa ee khaladka laga fahmay, horta sida magaciisu sheegayoba waxa loogu talo galay masuuliyiinta culculus (Very Important Persons), waa Madaxweynaha qaranka, ku xigeenkiisa, Wasiirada xukuumada, Wasiiro ku xigeenada, Wasiiru-dawlayaasha, Gudoomiyayaasha Goleyaasha Guurtida iyo Barlamaanka iyo ku xigeenadooda, Masuuliyiinta culculus ee dalka soo booqda iwm. Waa dadkaas kuwa loogu talogalay inay qolkan yar ee VIPda ku nastaan, warbixino koobana ku siiyaan saxaafada, balse ma aha meel u furan dadka oo dhan (Public).

Way wanaagsan tahay in aynu soo dhoweyno dadkeena ixtiraamka inaga mudan, haday yihiin siyaasiyiin, masuuliyiin, ganacsato, culimo, aqoonyahano iwm, waxase meesha taala in soo dhoweyntaasi aanay khalkhal galin hawlaha ka socda garoonka iyo nabadgelyada midnaba. Masuuliyiinta iyo hawlwadeenada airportka Hargeisa way ku saxsan yihiin inay dibeda ku celiyaan cidii aan ahayn dadkaa aan kor ku soo sheegay, waxaana haboon in dadkaasi ku sugnaadaan goobaha loogu talo galay soo dhoweynta dadka soo degaya. Haddiiba ay dhacdo in oday aan goobtii/halkii uu ku dhashay weli wax badan dhaafin, garoon caalami ah ka degin kana duulin,isla markaana aan la socon xaalada nabadgelyo ee gobolku ku jiro iyo qawaaniinta ka taala galitaanka madaarka, haddii oday aan intaaba ogayn balse ay ku weyn tahay galitaanka garoonka iyo inuu qolka VIPda camerada isugu dhigo isaga oo soo dhoweynaya Wiil uu adeer u yahay, haddii kaasi xanaaqo marka la waabiyo, oo uu afka buuro, wuxuu doonana ku hadlo waa la fahmi karaa. Waxase aan marnaba garowshiyo helahaynin Masuulka xil qaran oo ilaa heer Wasiir ah ummda u haya, ee markii loo diidey caruurtii la socotay inay gudaha madaarka galaan, loona sheegay in qolkan VIPdu gaar u yahay oo keliya masuuliyiinta heer qaran (waa ka mid), masuulka markii intaa loo sheegay bilaabay cayda, aflagaadada, naxliga iyo qabyaalada, ee weliba muddada dheer qurbaha joogay in badana arkay, ka dhoofay,kana soo dagay garoon caalami ahi, in dantii guud ee qaranka inay dan qabiil kala weynaataa waa ayaan darro iyo aafo qaran!!!!

Waxaan ku soo gabogebeynayaa, gobolka aynu ku naalaa waa meel xasaasi ah oo u baahan feejignaan dheeraad ah, garoomaduna waa halbowlayaasha dhaqaalaha qaranka waxaanay u baahan yihiin in si weyn loo sugo nabadgelyadooda. Adkaynta nabadgelyada garoomada dalku waxay siinaysaa qiimo caalami ah, waxay soo jiidanaysaa shirkado iyo diyaarado caalami ah, waxaanay sawir fiican ka bixinayasaa garoonka iyo dalkaba, wasiirka duulistuna wuu ku amaanan yahay sugitaanka amniga madaarada dalka dalka gaar ahaana kan caasimada. Sidaa daraadeed, dadku ha famaan waxa uu yahay madaarku iyo shaqada uu qabto, ha yiqiinsadaan in

qolkan yar ee VIPdu uu u gaar yahay masuuliyiinta sare, ha u hogaansamaan tilmaamaha masuuliyiinta madaarka, buuqa, dhibka iyo hagar daamadana haka daayaan madaarka iyo shaqaalaha sida xalaasha ah ugu adeegaya bulshada, sida daacadnimada ahna u gudanaya waajibaadkooda qaran.

 

Iga dhan,

 

Cabdikariim Cali Baarjeex

MSc Aviation Management

United Kingdom

baarjeex@hotmail.com