“Waxaan Leeyahay Qoladaas (Madasha) Sida Aydaan Sharci U Ahayn Ayaanu Hadakiinuna Sharci U Ahayn” Madaxtooyada

Hargeysa, (SLP)- Madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadallo ay xubnaha madasha wada-tashigu kaga hadleen marka muddo xilleedka xukuumadda Kulmiye dhamaado sannadkaan guddihiisa oo ku began 26-ka bisha June.dhuxul

Xubnahan madasha wada-tashiga oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa shacabka ugu baaqay in wixii ka dambeeya 26-ka June ay dawlad dhistaan.

Af-hayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada maanta galinkii hore ayaa hadalkaa xubnaha madasha kasoo yeedhay mid aan sharci ahayn, isla markaana bulshada ugu baaqay inaanay dheg u dhigin.

Sidoo kale Mr. Dhuxul ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu guddoomiyaha madasha wada-tashigu Xasan Guure ku naqdiyay xildhibaanada golaha guurtida. “Runtii waxaynu joognaa dal nabad ah, madax-banaan, dadkiisu ay u tashadeen oo heerkan lagu soo gaadhsiiyay iskaashi iyo wada-tashi aynu kaga midho-dhalinay inuu halkan soo gaadho dalku.” ayuu yidhi Mr. Dhuxul.

“Nimankaas lagu magacaabo madasha oo marka hore aan sharciyad ku dhisnayn ayaa xalay intay isu oo warbaahinta soo fadhiisteen waxay yidhaahdeen 26-ka June ummaddu ha isku timaado oo dawlad ha dhisato, shacabka Somaliland muddo dheer bay tacab soo galiyeen dhismaha dawladnimada, dawladii shalay jirtaybaa maantana jiraysa 26-ka June-na jiri doonta. Dawlad intay ummaddi isku timaado ay dhisaysaa ma jirtee shacabka Somaliland cid bay igmadeen oo talada dalkan ay u dhiibteen, ciddaasaa ka masuul noqonaysa oo ay taladeeda ku ogyihiin.”

Af-hayeen Dhuxul oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray. “Waxa la yaab leh nimankaa hadlayay waxa ku jiray qaar badan oo dalkan tacab badani kasoo galay, haddana u muuqda maanta erayada kasoo baxayaa ay u muuqdaan in cadawga Somaliland uu salaan kasoo dhigan karo, waxaan leeyahay waar cadawga Somaliland salaam ha u noqonina, markaad idinku hadashaan ayay kuwa kale oo meelo kale ku xareysanna ay hanqalka lasoo kacaan oo ay wax inaga sheegaan. Ciddii tacab kasoo galay dalkan  waa inay lexejeclo ka gashaa oo uu qiimo u yeeshaa. 26-ka June ka dib dawladdani way jiraysaa, horena way u soo jirtay, wixii loo soo tabcay ee dawladnimadan ummada dhayal kuma lumayaan.”

Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland oo jawaab ka bixinaya hadalkii Xasan Guure ayaa waxa uu yidhi. “Nin ka mid qoladaas oo lagu sheego guddoomiyaha ururkaas aan sharciga ahayn ayaa wuxuu yidhi xildhibaannada golaha guurtida qaar baan lagu aaminin biilasha xaasaskooda, waxaanu leenahay arrintaas waa qadaf, shacabka Somaliland kama mudna in erayo noocaas golaha guurtida lagu yidhaahdo, nabaday soo dhiseen, dawladnimaday soo dhiseen. Golaha guurtida sida aad sheegtay qaar ka mid ah biilasha xaasaskooda laguma aamini la’a, balse qaran dhan baa lagu aaminay. Sida aydaan sharci u ahayn idinku ayaa waxa aad ku hadashaana aanu sharci u ahayn, sidaa darteed hadalladaas uu cadawgu salaan kasoo dhigan karo, waxaanu leenahay shacabka Somaliland ha u dheg-taagina, nimankaas cidna may igman, cidna xil kama sugayso, dawladda ayaa ka masuul ah ummadan, dawladda ayay dadku doorteen, dawlad la wadaagayo iyo cid meelo kale ka imanaysaa ma jirtee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayuu shacabku igmaday isagaa haynaya ilaa inta dawlad sharci oo dadku soo doorteed ay bedelayso.”

Somalilandpost.net