“Qofku marka uu mudo Joogo Xaaladiisa Siyaasadeed, Mansab iyo Shaqaba Wuu Qiimeeyaa” Wasiir Xirsi

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirkii wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta shaaciyey in uu iska casillay xilkii uu umadda u hayey. Xirsi ayaa si weyn ula safan musharaxa isaguna ay maanta mar shaqada ka wada tageen ee Wasiirka arrimaha dibadda ahaa Md. Maxamed Biixi Yooonis.

 

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in sababta uu isku casillay ay tahay, taageerada Maxamed Biixi oo uu sheegay in uu la shaqaynayo, taasi oo macnaheedu tahay in uu ka biyo diiday madaxweynaha oo markii hore yidhi dhex baan ahay, laakiin markii dambe taageeray musharaxa aannu taageersanayn ee ay sida weyn iskaga soo hor jeedaan Maxamed Biixi Yoonis oo uu isagu la jiro.

 

“Aniga iyo wasiirku(Maxamed Biixi) waannu is waraysanay Madaxweynuu u sharaxnaa anna waan la shaqaynayey, markaa waxa aan ku qancay in aan xilkii wasiirnimo ka tago, maanta laga bilaabo” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Wasiirkii madaxtooyadu.

 

“Aad baan ugu faraxsanahay wakhtiga dheer ee aan qarankayga u soo shaqeeyay, Waan ku mahadinayaa madaxweynaha xilka ii magacaabay ee aannu shantaa sanno si sharaf iyo karaamo leh usoo wada shaqaynay, saaxiibtinimo leh iyo ehelnimo leh u soo wada shaqaynay. Waxaan ku kalsoonahay in dawladdu shaqayn doonto qarankuna jiri doono, anniga iyo saaxiibadayna nasiibkayaga iyo siyaasadayada mustaqbalka eegi doono. Qofkuna marka uu mudo joogo waxa uu qiimeeyaa xaaladiisa siyaasadeed, shaqadiisa in mansabkiisaba, markaa saaka waxaan ku qancay in aan xilka ka tago” Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Mudane Xirsi.
Halkan Ka Daalaco Muuqaalka Warkaas.

 

https://www.youtube.com/watch?v=GJM9Ye3u2dI

Somalilandpost, Hargeysa Office,