“Qofka Diinta Kiristaanka fidinaya waa qof ka soo hor-jeeda Diinta Islaamka…Qofka Soomaali-wayn fidinayana waa qof ka soo hor-jeeda gooni isu-taaga Somaliland”

FAYSAL-NEWONEAustralia (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Qofka Somaliland u dhashay ee raadinaya ama aaminsan mabda’a Soomaali weyn ku sifeeyey nin fidinaya Diinta Kiristaanka, kaas  oo uu ku dooday inuu mudan yahya Dil toogasho ah.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo ku sugan Dalka Australia Waraysi oo u warramay warbaahinta qaarkeed, ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeyey inuu jabiyey mid ka mid ah qodobbadii lagu heshiiyey ee ka soo baxay war-murtiyeedka wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliye ku dhexmaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaas oo tilmaamayey sii-socoshada wada-hadallada labada dhinac.

Guddoomiyaha UICD oo ugu horreyn ka hadlaya, tallaabo uu sheegay in laga qaado ama mudan yahay qofka Aaminsan Mabda’a Somaliweyn, waxa uu yidhi, “Mabda’ aanu dalku ku socon ciddii fidinaysa waa cid fidinaysa wax aan raali laga ahayn. Qofka Diinta Kiristaanka fidinaya waa qof ka soo hor-jeeda Diinta Islaamka. Qofka Soomaali wayn fidinaayana waa qof ka soo hor-jeeda gooni isu-taaga Somaliland, waana la mid, waana isku ciqaab, waana in dalka laga saaro oo aan loo ogolaan. Ka u dhashay Somaliland-na waa in la xidhaa haddii la waayana waa in la toogtaa.”

Eng Faysal oo la weydiiyey in qodobkan uu ka dhawaajiyey jabin karo wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somaliya, waxa uu ku jawaabay, “Majabinayo qodobkaas ee waxa jabinaaya ka Madaxweynaha Xasan sheekh tu ka aq-riyey shirkii London ee uu ku an-dacoonaayey inuu yahay Madaxweynaha ilaa Somaliland iyo Soomaaliya ee uu leeyahay kaligay ayaa Madaxweyne ah ee uu nasheganaayo  qodobkaas todobaad ayaa sheegaaya in laga ilaaliyo wixii xanaf ah oo kaas ayaa jabinaaya, laakiin ka anigu aan idhi ee ah Ninka Soomaali wayn fidinaaya waa Nin la mid ah Nin Diinta Kiristaanka fidinaaya, kaasi waxba mayeelaayo.  Ninka ilaaladiisu tahay Sawaaxili ee Xamar ay lahayn Maayar ee Gaalada heshiisyada beenta ah ka saxeexanaaya ee leh waxaan xukumaa Soomaaliya Naftiisana beenta ugu shekaynaaya, kaas ayaa qodobkaas jabiyey. Ka immika aanu ka tashanayno inaanu wada-hadalada la siiwadno iyo in kale ayaanu eegaynaa.”

Eng Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay go’aanka Xukuumadda Somaliland ka qaadatay duullimaadyada Qaramada Midoobay, “Waxa jiray heshiis hore oo lacagta hawada loo qaybsan jiray Maamulka Garoowe, Dawlada Soomaaliya iyo Somaliland, laakiin maanta diyaaradaha badankoodu waxay dulmaraan Somaliland, markaa anigu waxaan talabadaas u arka inay tahay talaabo lagu deg-degay. Anigu magaranayo talabadaas uu qaaday Wasiirku inay tahay talaabo sharciya oo Adduunka wax u dhimaysa iyo inay waafaqsan tahay, laakiin kolay in arrinta UN-ka laga jawaabo waanu ku tageersanahay.”

Guddoomiyaha UCID oo la waydiyey saamaynta ay ku leedahay Diyaaradaha la joojiyey shacabka Somaliland waxa uu ku jawaabay, “Somaliland hore ayay dhibaato noo soo martay oo waanu u adkaysan-karnaa. 20-kaas sannaba cunaqabatayn qarsoon ayaa nalagu hayey, markaa waxba taas nalagu bajin maayo oo anaga cadaadisku waxba nagama qaado oo taas waanu u baranay, laakiin waxaanan hubin inay talabadaasi tahay mid sharciya,”Sidaas ayuu yidhi Faysal.

“Somaliland Kiiskeedu waa kiis sharciya inay gooni isu-taagto, waxaanu ahayn dal jiray oo lix iyo soddon waddan ay hore u Ictiraafeen, laakiin waxa weeye anaga ayaa sidii la rabay aan adduunka uga iibin oo aan ka hawl-galin waana dhaliil xaggayaga ah. Ta labaad waa dhaliil ay wataan waddamada Masar oo kale oo waxay naga xanibtay waddamada Carabta iyadoo eegaysa danteeda. Talyaaniga iyo UN-ka oo naga hor-joogsaday iyagoo eegaya dantooda, markaa waa wadamadaas. Markaa haddii anagu aanu saarno xoogga waxaanu ku kalsoonahay inaanu ka midho dhalin-karto Ictiraafkayaga.”

SOMALILANDPOST.NET