Qofka Carruurtiisa Jecel, Agoomaha Wuu U Naxariistaa! – Q/W: Amal M.M.Kastan

Amal_MM_KastanQofka carruurtiisa jecel, agoomaha wuu u naxariistaa’..!! Weedha cinwaanka u ah qoraalkan waa Eray ka mid ah qoraaladii Aabahay Alle ha u naxariistee hore u baahiyey, balse mawduucan waxaynu ku soo qaadanaynaa kalmad la xidhiidha ama ka mid ah Eray aan ka dhalxay xikmadihii iyo talooyinkii uu iiga tegay Aabahay Maxamed Maxamuud M.M.Kastan, alle ha u naxariistee, isla markaana hadalkaasi wuxuu ahaa xilligii iigu danbaysay ee aan aabahay booqosho kula joogay magaalada Hargeysa.

Hase yeeshee Amal ahaan Noloshayda waxaan inta badan ku soo qaatay qurbaha oo aan yaraanteydii tegay, laakiin maalin maalmaha ka mid ah ayaan aabahay u boholyoobay una xiisay, aadna waan u jeclaa inaan mar walba la joogo sidoo kalena inaan dhageysto xikmadaha ka soo burqanaya ama ka soo maxaaya maskaxdiisa uu Alle ku manaystay . akhristayaal waxaynu qalinkeena maanta ku eegaynaa, sheeko micno wayn xanbaarsan in badana xasuus ku reebtay qalbigayga , oo saamayn aan la soo koobi Karin ku leh Noloshayda oo dhan, mar walbana xasuus maskaxdayda ku soo noq-noqonaysa ah ilaa maanta.

Intii aan la joogay aaabahey aroor walba waxaa albaabka guriga si xoog ah ugu soo garaaci jiray carruur aanu ahayn daris ama xaafadaha jaarka aanu nahay ee ku nool Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Aabahay wuxuu ku kici jiray garaaca albaabka iyo buuqa caruurta, arintaasi aad bay ii dhibtay aniga oo ahaa waqtigaa Inan aad u yar in aabahay subax walba albaabka ay ku tumaan carruur yar-yar, waxaana markasta maskaxdayda ku soo dhici jirtay ama aan is weydiin jiray Su’aal ah maxay carruurtani Aabahaa hurdada uga kiciyaan.?.

Waxaase ka sii darnayd markuu soo tooso, sida waalidiinta qaarkood iyagoo hurda haddii albaabka si xoog leh loogu garaaco oo ay ku kacaan qaylada carruurta, waxa dhacda inay ku qayliyaan ama ay dhibsadaan qaylada ubadka yar-yar ee iyaga oo hurda ka dul sanqadhay ee toosiya, xitaa haddii ay yihiin kuwii ay dhaleen, balse Aabahay Maxamed Maxamuud Kastan, sidaa muu samayn jirin, isla markaana marka ay carruurta aanu dariska nahay soo garaacaan albaabka gurigayaga, waa laga furi jiray, ka dib waxay u dhaafi jireen ama ay is hor tubijireen qolka aabahay hurdo, iyagoo faro ka ciyaraaya korna u buuqaaya. Alle ha u naxariistee inta uu hurdada ka kaco ayuu u qaybin jiray lacag ay ku soo Iibsadaan nacnaca iyo waxyaabaha carruurtu xiiseeyaan ee dukaamada xaafaduhu Iibiyaan.

Aniga maadaama aan ahaa aabahay curadiisii aad bay ii dhibtay in aabahay hurdada ka kiciyaan carruurtaasi oo subaxkasta ama waagii beryaba wuxuu caruurta sii baraa waxyaabo aysan ku joojinayn inay ka qasaan hurdada.

Subixii danbe ayey soo garaaceen albaabkii Guriga oo waddadii ayay soo hayaan aniguna sidii ayaan isu weydiinayaa su’aashii ahayd maxay Aabahaa albaabka ugu tumayaan. Intii aanuu aabahay kicin, ayaan ciyaalkii ka furay albaabkii guriga, ka dib waan ku qayliyay, waxaana ku idhi eray ahaa sidan:-“Maxaad subax kasta Aabahay albaabka ugu garacaysaan?!. Mar danbe albaabkan ha soo garaacina oo ka taga meesha.” Alle ha u naxariisto Aabahay ayaa hadalkii aan carruurta ku lahaa maqlay. Inta uu toosay oo uu albaabkii qolkiisa furay ayuu igu yidhi Aabo Amalay caruurta soo daa oo ii daa ha iga eryin. Runtii anigu Aabahay aad iyo aad ayaan u jeclaa oo wax kasta haye Aabo ayaan odhan jiray. Balse carruurtii yar-yarayd waan ku soo daayey, sidii caadada u ahayd kadinka ayay uga galeen qolkii uu hurday Aabahay, Aabo caruurtii lacagtii uu siin jiray ayuu mid walba farta kasaaray oo uu u qaybiyay, waxaanay albaabka ka baxeen iyaga oo faraxsan aadna u qoslaaya mid walbana sii tirsanayo xoogaaga qadaadiicda nususaacahooda ahaa.

Aniga oo aad uga xun talaabooyinka ay samaynayaan ubadkaasi yar-yar ee xaafadaha nagu hareeraysan, waxaana mar walba aan is weydiin jiray maxay u garaci waayeen guryaha ay hurdaan Aabayaasha kale ee nagu dhegan ama nagu qabsan ama nagu xiga ee deriska aanu nahay ee xaafadda ku dhaqan, balse waxaa guri nagu xeeran ee aanu dariska nahay mid kaliya albaabkiisa ma eegaan ama is ma hortagaan waagii beryaba oo waqti badan ayaan eegayey inay galaan ama albaabada ku garacaan guryaha nagu xeeran ee deriska ah, isla markaana waxaan is weydiinayaa su’aal ah. Waa maxay sababta marka qoraxdu godka ka soo boodo saalada hore ee la hurdo subax walba albaabka idinku tumayaan ee ay aabahaa u toosiyaan, kuwa kaleba kuma garacayaan ee ay u dhibayaan Aabahaa ayay naftaydu is waydiinaysaa oo cadho ayaan jiq ahay, mana garanayo xadiga ama heerka ay cadhadaydu marayso.

Ka dib markii aan dhawr daqiiqadood dhex taagnaa daarada aqalkayaga ayaa si degdeg ah albaabka uga galay aabahay Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo isaga iyo Ummadda muslinka ah ee ka horaysay, balse markiiba waxaan u qadimay su’aal ahayd sidan:- “Aabo caruurtan jaarku aad ayay kuu dhibeen oo subax walba hurdadii ayay ka toosinayaan. Sidoo kalena lacagtii ayay ka dhameeyeen subax kasta, laakiin adigiina aroor kasta kalgacal xad dhaaf ah ayaad u muujinaysaa, si ay kugu soo noq-noqdaan, xitaa xoog ayay u garacayaan albaabka ee maxaad lacagta noogu bartay Aabo guryaha kale ee xaafadahaba ma garacayaan.”

Aabahay intuu si degan oo ay wajigiisa ay ka muuqato farxad iyo dhoolo cadayn qosol ah ayuu igu yidhi.”Aabo Aamalay caruurtani waa Maxamuud iyo Muniir saaxiibadood, sidaa darteed qiimeyn weyn ayay iga mudan yihiin, waana ii xasuus intaad iga maqan tihiin,”Erayadaas iyo qaar kale oo waano ah ayuu Aabahay igula taliyey, balse Muniir iyo Maxamuud waa laba Wiil oo da’doodu ahayd waqtigaas 3 iyo 4 jir oo Aabahay dhalay, kuna noolaa waqtigaas qurbaha. Run ahaantii jawaabta Aabahay waxay igu dhalisay dareen iyo naxariis badan oo halkaas ayaan subax walba marka aan maqlo hadalkooda inta ay soo gaadhin ama ay soo garaacin ayaan ka sii furijiray albaabka guriga, wuxuuna ahaa mid waagii beryaba sida shinbiraha raashinka loo daadiyo salaada hore ee meeshaas ku soo ururaan oo kale ayay ciyaalka xaafaduhu u iman jireen xilliga Aabo joogo.

Si-kastaba ahaatee xilligii Aabahay Alle ha u naxariistee uu dib ula noqday Illaahii lahaa ama abuurtay oo ah guriga dhabta ah ee qof walba oo ku nool adduunyada guudkeeda sugaya 6 bilood ka hor caawa oo kale ayay ahayd, hase yeeshee arinkaan wuxuu ka mid yahay dhacdooyinkii iyo xikmadihii aan aabahay kala kulmay waana mid ku duugan dareemadayda oo dhan, wuxuuna ahaa adoon jecel ubadka, isla markaana waxa waayey carruur badan oo uu ahaa saaxiibkooda, siweyna u tabay.

 

Waxa Qortay: Amal Maxamed Maxamuud (M.M.Kastan)

Netherland

 

amalkastam@hotmail.com