Qof isa soo miidaamiyey oo maanta isku qarxiyey badhtamaha Dimishiq kaas oo galaaftay nolosha 26 qof iyo dhaawac daraasin kale

Dimishiq, 07 January, 2012 (SLpost)- Qof naftiisa soo biimeeyey ayaa isku qarxiyey badhtamaha magaalada Dimishiq kaas oo galaaftay nolosha 26 qof iyo dhaawaca 63 kale, sida uu sheegay wasiirka arrimaha Gudaha oo ku tilmaamay mid la mid ah weerarradii Argaxgixiso ee laba todobaad ka hor gil-gilay magaladaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ibrahim al-Shaar oo u warramaya telefishanka dawladda ayaa sheegay in 26 qof ay ku dhinteen qaraxan ka dhacay degmada Maidan ee magaalada Dimishiq, kuwaas oo ay ku jiraan 15 oo aan wejiyadooda la aqoonsan Karin waxyeellada qaraxa awgeed.

“Waxaanu kaga jawaabi doonaa gacan bir ah oo wax ka qabanaysa qof kasta oo isku daya inuu waxyeelleeya nabad-gelyada dalka iyo muwaadiniin,”ayuu yidhi Shaar, isaga oo sheegay inay ku dhaawacmeen 63 qof oo kale.

Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa sheegay inay dawladdu ka dambayso weerarradan si ay indhaha caalamka u tusto inay la dagaalamayso kooxo argagixiso ah.

Dhanka kale, Raysalwasaaraha dalka Qadar, Sheekh Hamad bin Jassim al-Thani, ayaa sheegtay in Suuriya aanay wali u hoggaansamin go’aankii Jaamacadda Carabta ee lagu joojinayey iska-hor imaadka dalka gilgilay isla markaana aanay kormeerayaasha Jaamacadda Carabtu wakhtigooda ku luminayn inay sii joogaan.

Guddi ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inay kulmaan maalinta berri ah si ay u naaqishaan warbixinnada ay soo diyaariyeen Kormeerayaasha Jaamacadda Carabta kuwaas oo dusha kala socda hannaanka ay xukuumaddu ku qaabishay codsigii uga yimi Jaamacadda Carabta si loo joojiyo iska hor imaadyada dalkaas ka bilaabmay 10 bilood hortood.

Sheekh Hamad waxa uu sheegay in heshiiska ay ku jirtay sidii ciidamada dalka Suuriya ay uga bixi lahaayeen magaalooyinka kuwaas oo sida uu sheegay aan wax tallaabo laga qaadin leynta iyo xasuuqista dadka rayidka muddadii 10ka maalmood ee kormeerayaasha Carabtu dalkaas ku suganaayeen.

“Warka soo baxyaa waxa uu nagu abuurayaa dhiillo weyn,” ayuu Sh. Hamad u sheegay telefishanka Al-Jazeera.

Kulanka Jaamacadda Carabta ee lagu wadi inuu Berri qabsoomo waxa laga yaabaa in lagu go’aansado haddii la sii wadayo hawl-galka iyo in Suuriya loo gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taas oo u gacan-haadinaysa dariiq kallifaya in laga qaado tallaabo caalami ah, in kasta oo dalal badan oo Carab ahi aanay ogolayn.

Bishii December 23 ugu yaraan 44 qof ayaa lagu dilay wax ay dawladda Suuriya ku sheegtay inay ahaayeen labada weerar oo is-miidaamin ah taas oo lagu bartilmaameedsaday dhismayaal dawladdu leedahay oo ku yaala caasimadda Suuriya, kaas oo dhacay maalin ka hor wakhtigii ay korjoogayaasha Jaamacadda Carabtu hawl-galkooda ku yimaaddeen dalka Suuriya.

Dalalka Carabta badidooda ayaa ka warwarsan deggenaansho-la’aanta dalka Suuriya, kaas oo Jaamacadda Carabtu aanay ilaa hadda xal u helin inay la fuliyo qorshihii nabadda ee ugu horreyey. Dalka Suuriya ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaara siyaasadda gobolka, iyaga oo waliba gacan-saar la leh dalka Iiraan iyo Kooxda Shiicada ee Hezbollah eek a jira dalka Lubnaan.

Ururka Xisbullah oo siyaasin iyo milatari ahaan xoog ku leh dalka Lubnaan isla markaana dagaal la galay dawladda Yuhuudda sannadkii 2006, ayaa qaraxyada ku eedeeyey dalka Marayakanka.

“Tani waa talaabo labaad oo qorshaha ugu jira ciidamada Maraykanka iyo kuwa caawiso ee gobolka ka jira ay ku rabaan inay ku faro-galiyaan Suuriya taageeradeeda ay siiso xoogagga iska caabinta ee ka horjeeda Cadowga Yuhuudda iyo reer Galbeedka,” ayey Xisbillah ku sheegtay website-keega.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net