“Qof dhalinyaro ah iyo Siyaasi Xamar tagaa wuxuu ka beddelayo Somaliland ma jirto” – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in aanay qadiyadda Somaliland waxba ka beddelayn Dhallinyaro iyo siyaasiyiin u safra Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo hadalkiisu dabo-socdo dhalinyaro iyo Siyaasiyiin xidhiidh la sameeya dowladda Soomaaliya oo shaqo helaan, ayaa mar ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in sababaha hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan ee dalka tahay sidii loola dagaalami lahaa qabyaaladda.

“Xisbiyada Qaranka waxaynu u samaysanay inaynu Qabiilka kaga tagno. Wixii dhexdeena ah waa loo dul-qaadanayaa, laakiin Qaranimada Somaliland, Madax ha ahaado ama Madax-dhaqameed ha noqdo ama Siyaasi ha noqdee qofka Qaranimada Somaliland ka soo horjeeda waxa la marinayaa Shuruucda Dalka u taalla, loona dul-qaadan maayo,” Sidaas ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Qof dhalinyaro ah iyo Siyaasi Xamar tagaa wuxuu ka beddelayo Somaliland ma jirto, Qaddiyadda Somaliland-na waa lama taabtaan”, Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Somalilandpost.net