Qodobo Kasoo Baxay Kal-fadhigii 1aad Ee Golaha Sare Ee Cusub Ee Ururka Suxufiyiinta SOLJA

Hargeysa, (SLP)- Kal-fadhigii 1aad ee Golaha sare ee shanaad ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo shalay ku qabsoomay xarunta dhexe ee ururka Magaalada Hargeysa OO  ay ka soo qayb galeen 12-xubnood oo ka mid ah 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Goluhu ayaa waxa lagu naaqishay qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen dhagaysiga warbixino ay madasha shira ka soo jeediyeen Guddi-Hoosaadyada Golaha, Hawl-qabadka Xafiiska Fulinta ee Ururka oo xunaha golaha sare ay warbixintiisa ka dhagayseen ku simaha Agaasimaha Fulinta ee SOLJA. Sido kale guddidu waxa ay warbixin dheer ka dhagaysteen Guddoomiyaha iyo Xoghayaha guud warbixintaasi oo la xdhiidhay dhammaan hawl-galkii SOLJA ee mudadii hogaanka cusub xilka ururka hayeen laga oo bilaabo 7-dii January 2015 oo ahayd maalinti rasmi ahaan golaha sare ee ururku xilka la wareegeen, Warbixintaasi oo dhinacyo badan ka taabanaysay wax-qabadka ujeedooyinka ururku u aasaasan yahay. Sidoo kale kalfadhiga koowaad ee Golahan waxa shalay lagaga hadlay qorshayaasha Lixda bilood ee soo socda ururku ka shaqayn doono iyada oo qiimayn lagu sameeyey qorshe-biloodyadii hore ee ururka u yaallay wixii ka qabsomay iy wixii qabyo ahaa.SOLJA

Hogaanka Ururka oo kala ah Guddoomiyaha, Gudd/Xigeenka iyo Xoghayaha guud ayaa halkaasi ka soo jeediyey warbixino dhaadheer oo si faahfaahsan uga warramayay hawlihii shaqo ee mudadaa saddex biloodka ah, sida weriyayaashii la kulmay xad-gudubyada, kuwii xanuunsaday iyo tallaabooyinkii ay hogaanka ururka iyo gudidooda difaaca suxufiyiintu ka qaadeen abuuritaan jawi is afgarad oo u dhexayn kara suxufiyiinta shaqadooda ku jira iyo dhinacyada kale, xidhiidhadii lala  sameeyey hay’adaha samafalka, mashaariicdii la diyaariyey iyo waxa ka soo noqday, dakhligii soo galay iyo waxyaabaha lagu qabtay, oo ay soo raacaan yagleelidda xarun tababar iyo maktabad u gaar ah suxufiyiinta oo laga hir-geliyey Xarunta ururka, agabka adeega xafiiska looga baahnaa ee la soo kordhiyey sida gaadiidka iyo qalabka xafiisyada.

Xubanaha Golaha sare ee SOLJA waxa ay doodo iyo talooyina ka yeesheen islana qaateen in la laban laabo oo la xoojiyo difaacidda xuquuqda suxufiyiinta ka hawl gala dalka iyo ilaalinta xorriyatul qawlka guud ahaan taasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay jireen cabashooyin la xidhiidha arrimahaasi taasi oo Goluhu isku raacay in dhinac kasta oo ay khusayso lagala shaqeeyo sidii gabi ahaanba dalka looga cidhib tiri lahaa tacaddiyada ka dhanka ah xorriyatul-qawlka.

Gabagabii Shirka Golaha Sare Ee SOLJA Waxa Ka Soo Baxay Qodobadan:

In la kordiyo ilaalinta difaaca xuquuqda suxufiyiinta Somaliland lana yareeyo tacaddiyada ay la kulmaan saxaafadda iyo suxufiyiintu iyada oo SOLJA si walba ugu dadaali doonto sidii albaabada loogu furi lahaa xarumaha warbaahineed ee xidhan sida Wargeysyada HUBAAL iyo HAATUF

SOLJA waxa ay iska xil saartay door weyna ku leedahay suxufiyiin dhawr ah oo ku xanuusanaya dalka kuwaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey u jifay xanuuno kala duwan iyada oo hawsha saxafiyiintaasi lagu gargaarayaana uu ururku gacanta ku hayo

Dardar gelinta xidhiidhadii aadka u badnaa ee mudada kooban Hogaanka SOLJA la sameeyeen daneeyayaasha caalamiga ah ee arrimaha saxaafadda (Media Stakeholders) iyo xorriyatul qawlka, iyo daba galka mashaariicdii daneeyayaashaasi ballan qaadeen sidii SOLJA uga midh dhalin lahayd. Mashaariicdaasi oo qiimo weyn ugu fadhiya guud ahaan saxaafadda iyo suxufiyiinta Somaliland.

In la ambaqaado lana dardar geliyo guusha taariikhiga ah ee markii ugu horraysay taariikhda SOLJA laga gaadhay bogga cusub ee u furmay iyada iyo daneeyayaasha arrimaha saxaafadda ee heer Gobol, mid qaaradeed iyo mid caalamiba oo si rasmi ah markii ugu horraysay u aqoonsaday muhiimadda wada shaqayneed ee SOLJA iyo in ay dhisaan awoodda ururka

 Mudadii koobnayd ee Hogaanka SOLJA xilka hayay waxa ay ku guulaysateen in ay abuuraan deegaan iyo jawi ku habboon hawlaha ay SOLJA u hayso saxaafadda iyo suxufyiinta oo ay ka mid yihiin qalabayn weyn oo lagu sameeyey xafiiska ururka qaybihiisa kala duwan taasoo keentay in ay xafiiska ku soo xidhmaan suxufiyiin badani kana faa’iidaystaan tashiilaadka (Facilities) laga hirgeliyey xarunta

Waxa xusid mudan in ururku u hawl-galay sidii gunne joogto ah loo siin lahaa qoysaska ay ka baxeen Alla Ha U Naxariistee Suxufiiintii kala ahaa: M M. Kastan, Cabdiweli Faarax Jaambiir, Siciid Ismaaciil Guraase iyo Maxamed Rashiid Muxumed Faarax taasi oo hirgashay Wasaaradda Warfaafintuna ku ammaanan tahay doorka ay arrinkaasi ka gaysatay

Kulanka Golaha sare ee SOLJA waxa loogu mahad celiyey dhinacyadii kala duwanaa ee kaalinta muhiimka ah ka ciyaaray kor u qaadidda awoodda ururka si uu ula jaan qaado uradada dhiggiisa ah ee heer qaaradeed iyo mid caalami ahba iyada oo si gaar ah loo xusay shirkadihii gacanta ka gaystay arrimahaasi aan kor u soo sheegnay, gaar ahaan doorki shirkadaha waddaniga ahi ka gaysteen qalabaunta xafiiska iyo Arrimaha Lojistikada

Golaha sare waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey shaqaalaha agaasinka guud ee xafiiska oo ay ka dhigeen shaqaale rasmi ah markii ugu horraysay taarikhda urura (Permanent Staff)

Golaha sare waxa ay ansixiyeen qorshe hawleedka iyo dib u habaynta nidaamka xafiiska (Office Manuals) oo la diyaarin doono muddada dhaw iyada oo loo xil saaray khubaro la taliyayaal ah oo xafiiska ka caawin doona diiwaanada nidaamka xafiiska oo dhan.

SOLJA waxa ay dhawaan dalka ka bilaabi doonaan diiwaan-gelin rasmi ah oo lagu samayn doono dhammaan suxufiyiinta Somaliland ee rasmiga ah si meesha looga saaro cid kasta oo aan mihnaddan ku abtirsan balse ugu shaqaysata sifo baal marsan nidaamka dalka u yaalla, iyada oo ujeedadu tahay si loo helo Xogta rasmiga ah ee Suxufiyiinta Somaliland 

                                                                                                                                             

Allaa Mahad Leh

 

Xuseen Yuusuf Kurdi

 

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA