Qodobbo lagaga wada-hadlay Kulan Madaxweynaha Somaliland la yeeshay Wefti ka socda Dalka Sweden

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Sweden oo uu hoggaamiyo xoghayaha Golaha Deegaanka magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan jaaliyadda waddankaas, kuwaas oo dalka ku sugnaa todobaadkii u dambeeyey.

DSC_0112Warbaahintu goob-joog kama ahayn kulanka, haseyeeshee markii uu soo dhammaaday waxa si wada-jir ah shir-jaraa’id u qabtay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo xoghayaha dawladda hoose ee Stockhlom Mr Lars Radh.

Wasiir Maxamed Biixi waxa uu sheegay in madaxweynuhu kala hadlay sidii ay horumarka ka jira Somaliland u gaadhsiin lahaayeen baarlamaanka dalka Sweden isla markaana kor loogu qaadi iskaashiga iyo xidhiidhka dhexeeya shacbiga labada waddan.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Stockholm Mr Lars Radh oo isaguna saxaafadda la hadlay, ayaa yidhi, Waxaanu fursad u helnay inaanu la kulanno madaxweynaha Somaliland. waxaanu ka wada-hadalnay sidii aanu u sii xoojin lahayn wada-xaajoodkayaga, una samayn lahayn xidhiidh iyo iskaashi inta ka badan oo u dhexeeya shacabka Sweden iyo Somaliland. Guud ahaanna waxay tani gun-dhig u tahay horumarinta dalalkeenna iyo in waxyaabo badan ay is waydaarsadaan shirkadaha ka jira dalka Sweden iyo bulshada aanu hoggaaminno. Waxaanu rejaynayaa inanaanu kulamo iyo wada-xaajoodyo la qaaddano inta aanu ku sugannahay halkan (Somaliland), waxaanan hubaa inaynu sugayno maalmo wanaagsan oo innaga horreeya.”

Kulanka madaxweynuhu la qaatay weftiga reer Sweden waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maayarka Caasimada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha MsCali Axmed Cali, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Mowliid Waris Cabdilaahi.