Qodobbo Laga Soo Saaray Shirweyne Beesha Maxamed Daa’uud [Guuyoobe] ugu Qabsoomay Deegaanka Qoton-dabo

Qotan-dabo (SLpost)- Beesha Maxamed Daa’uud [Guuyoobe] Oo Ka Mid Ah Beelaha Ciidagale, ayaa shirweyne muddo saddex maalmood ah socday shalay ugu soo gebo-gaboobay deegaanka Qoton-dabo oo ka tirsan degmada Saba-wanaag ee Gobolka Hargeysa.

dabaShirweynahan oo loogu Magac-daray Barwaaqo 2 isla markaana socday 26-kii ilaa 29-kii November ee sanadkan waxa ka qayb gaaly haldoorka, Salaadiinta, Aqoon-yahanka, madax dhaqameedka iyo wax-garadka Beeha Maxamed Daa’uud [Guuyoobe], waxaa intii uu socday lagu falanqeeyey xaaladda dalku marayo, geedi socodka horumarineed ee bulshada, danaha beesha iyo qorshayaasha mustaqbal ee ay beeshu higsanayso, iyada oo gebogabadiii shirweynahaasna laga soo saaqay Go’aamo 7 Qoddob ka kooban oo khuseeya ujeeddadii shirka loo qabtay

Gebo-gabadii shirweynaha Beesha Maxamed Daa’uud oo socday 26kii illaa 29-kii November 2014, kana dhacay magaalada Qoton-dabo, qodobbadii ka soo baxay waxa ay u dhignaayeen sidan:

“1. Beeshu Waxa ay si buuxda u taageersan tahay madax banaannida Jamhuuriyada Somaliland inay tahay lama taabtaan.

  1. Besha Maxamed Daa’uud waxa ay hagar la’aan u ilaalinaysaa nabad-gelyada iyo xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. Beesha Maxamed Daa’uud waxa ay aaminsan tahay in wax kasta oo khilaaf ah lagu xalliyo wada hadal iyo isu tanaasul, sidii horeba loogu yaqiinay bulshada Somaliland.
  3. Beeshu waxa ay yaqiinsan tahay wada noolaansho iyo wax wada qabsiga beelaha Somaliland, gaar ahaanna beelaha ay deegaan wadaagta yihiin.
  4. Waxa ay Beeshu samaysatay Xeer iyadu ku dhaqanto iyo guddi guud.
  5. Beeshu waxa ay samaysatay Sanduuq horumarineed oo ka shaqayn doona dhinaca waxbarashada, caafimaadka, ka hor tagga aafooyinka iyo ilaalinta xaalufinta deegaanka.
  6. Beeshu waxa ay isku raacday inay hal musharrax u doortaa tartanka doorashada golaha wakiillada ee soo socda, kaas oo ah Md. Maxamed Jaamac Koodbuur [Shiine].

Shir-guddoonku waxa uu aad ugu mahad-naqayaa dadweynihii kasoo qayb galay shirweynaha, siiba suldaannada, cuqaasha, dhalinyarada iyo haweenka. Si gaar ah waxaanu ugu mahad naqaynaa guddida qaban-qaabada sidii hufnayd ee ay u soo agaasimeen shirweynaha.”

SOMALILANDPOST.NET