Qodobbo ka soo Baxay Shir Beesha Makaahiil Isaxaaq ku Qabsatay Woqooyiga Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Shirka DAWO iyo DAREEN oo mid ka mid ah beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa (Makaahiil Isaxaaq/Sacad Muuse) ugu qabsoomay duleedka caasimadda, ayaa laga soo saaray go’aamo ka kooban lix qodob.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen madaxdhaqameedka, aqoonyahanka, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee beesha, ayaa muddo laba maalmood ah oo uu socday lagaga wada-hadlay arrimo kala duwan oo danaha beesha ku saabsan.

S1300087War-murtiyeed lagu soo ururiyey go’aamada soo baxay oo laga akhriyey gunnaanadkii shirkaasi, ayaa u qornaa sidan:- “Shirweynaha beesha Makaahiil Isaxaaq ee DAWO iyo DAREEN ee ka qabsoomay degaanka Woqooyiga caasimadda Hargeysa 23/06/2014 ilaa 24/06/2014, kana qaybgaleen salaadiinta, Ugaaska beesha, cuqaasha, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, ganacsatada, dhallinyarada, qurba-joogga iyo haweenka, kaasi oo lagaga arrinsanayey masiirka iyo danaha beesha, waxa gebogabadiisiika soo baxay:-

BAAQ IYO TALO SOO JEEDIN

1. Shirweynuhu wuxuu si buuxda u garab taagan yahay jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland

2. Shirweynaha waxa saldhig u ah adkaynta nabadgalyada

3. Shirweynuhu wuxuu xoojinayaa walaalnimada, wada noolaanshaha iyo is-dhexgalka dhammaan beelaha Somaliland ee walaalaha ah, gaar ahaan beelaha ood-wadaagta la ah beesha

4. Shirweynuhu wuxuu caddaynayaa in laga midaysan yahay ilaalinta iyo horumarinta dhammaan degaannada beeshu degto.

5. Shirweynaha DAWO iyo DAREEN wuxuu u jeedinayaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland in saami-qaybinta manaasiibta Dawliga ah ee beelaha Somaliland aanay caddaalad ku saleysnayn oo ay muuqato in dhinac laga raray.

6. Shirweynaha waxa lagu go’aansaday in la dhiso guddi horumarineed oo beesha u qaabilsan horumarinta iyo arrimaha siyaasadda,” ayaa lagu soo gabogabeeyey war-murtiyeedka.

S1300081 S1300067