Qodobada 42-aad iyo 88-aad ee Dastuurka ayaa si Cad isku hor Taagaya Muddo Kordhin aan Ku Saleysneyn Shuruudaha ku Xusan Qodobka 83-aad

suudiQodobka 42 aad ee dastuurka somaliland faqradiisa 3 aad waxay u dhigan tahay sidan: haddii doorashada golaha wakiiladdu ku qabsoomi waydo duruufo adag awgeed,duruufahaasi adagina waa dagaal baahsan,xasilooni darro gudaha ah,aafo dabiici ah oo culus,sida dhul gariir,cudurada faafa iyo abaaro ba’an.

Akhriste shuruudahaasi uu qodobka dastuuri ahi sida cad u qeexay,waa waxyaabaha haddi ay dhacaan sababi kara in golaha guurtidu uu mudo kordhin u sameeyo golaha wakiiladda ,laakiin waxyaabahaasi uu dastuurku sheegay oo dhami maanta dalkeena kama jiraan,oo ilahay wuu inaga nabad galiyey, malaha markaa golaha guurtida aqoon darro xagga dastuurka ahbaa haysa’e , ma jiro qodob dastuuri ah oo wakhtigan aynu joogno ay golaha guurtidu u cuskan karaan mudo kordhin ay u sameeyaan golaha wakiiladda,oo weliba ku jira shan sanno oo mudo dhaaf ah,sidoo kalena isla qodobka 42 aad ee dastuurka somaliland farqadiisa 1 aad oo sheegaysa in mudada xilka golaha wakiiladu uu yahay shan sanno oo ka bilaabanta maalinta maxkamadda sare ay ku dhawaaqdo go’aamadda doorashada.

Qodobka 88- aad ee dastuurka somaliland farqadiisa 1-aad waxay sheegaysa in mudada xilka madaxweynuhu ay tahay shan sanno oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo,waxase muuqata inta laga soo dulbooday oo indhaha laga qarsaday qodobadaasi dastuuriga ah ee aan soo sheegay oo dhan ayaa la doonayaa in umadda la marin habaabiyo,oo qiil laga dhigto qodobka 82-aad ee dastuurka somaliland oo isaga laftigiisu waxba aan ka duwaneyn qodobadaasi hore ee aan soo sheegay,oo si cad u qeexaya sababta madaxweynaha mudada loogu kordhin karo oo ah haddii ay nabadgalo darro dhacdo oo qudha,waxana qodobkaasi 83-aad farqadiisa 5-aad u dhigan tahay sidan: haddii ay doorashada madaxtooyaddu suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgalyada darteed in la qabto doorashada madaxweynaha marka uu mudo xileedkiisu dhamaado waxa ay golaha guurtidu ay mudada u kordhinayaan madaxweynaha iyagoo tixgelinaya mudada dhibaatada lagaga gudbi karo doorashana ku qabsoomi karto,hadaba akhriste su’aal aan ku weydiiyeen miyey maata somaliland ka jirtaa nabadgalyo darro sababi kara mudo korshin ay guurtidu u sameyso madaxweyne Siilaanyo? – Jawaabtu waa Maya.

Hadaba saaxiibayaal waxa haboon in aynu si fiican u wada ogaano labada qodob ee sida fudud u burburin kara dawlad dhisan:

1: qodobada kowaad ee masuuliyiinta xukunka haya oo kuraasta ay ku fadhiyaan iyagu kooto iskugu xidha oo is hortaaga doorashooyin dhaca,si ay iyagu kuraasta u sii fadhiyaan.

2: qodobka labaad ee qaran dhisan si fudud u burburin karaana waa hantida ama dhaqaalaha uu dalkaasi leeyahay oo gacanta u gala cid gaar ah.

hadaba Allaha ha u naxariistee Abwaankii C/qaadir Xirsi Yamyam markii uu arkay sanadihii danbe ee taliskii kacaankii Siyaad Barre awoodii dawladnimadu ay ku soo ururtay oo ay kooto ugu xidhantay cid gaar ah,dhaqaalihii dalkuna uu gacanta u galay dad aan ahayn dadkii lagu ogaa maamulka dawladda ,isla markaana uu Abwaan Yamyam uu xasuustay balan-qaadyadii ku qornaa warqadii 1-aad iyo warqadii 2-aad ee balan-qaadyadii  kacaanka ee umadda soomaaliyeed loo soo bandhigay markii uu kacaanku dhashay 1969-kii ,oo qodobadii ku qornaa ay ka mid ahaayen in dalka laag qaban doono doorashooyin,in umadda soomaaliyeed u sinaan doonto maamulka dawladnimada ,sidoo kale uu kacaanku xaq soor ku sameyn doono dhaqaalaha dalka,qof walibana uu halka uu joogo ku heli doono saamiga uu xaqa u leeyahay,sidoo kalena balan-qaadaydii kacaanka waxa ka mid ahayd in loo sinaan doono shaqada dawladda ,arday kasta oo wax soo bartayna uu ku meel mari doono aqoonta uu leeyahay iyo wixii uu soo bartay,isla markaana laga kaaftoomi doono wastadii iyo waji garashadii ,oo hal ku dhigii ahaan jiray kumaad taqaan lagu bedeli doono maxaad taqaan,sidoo kalena Allaha ha u naxariistee Abwaan C/qaadir Xirsi Yamyam markii uu arkay dareenkii umadii soomaaliyeed oo hiyi-kacsan kana calool-weydsan balan-qaadayadii kacaanka ee dhicisoobay iyo heerkii ay gaadhay sinaan la’aanta iyo cadaalad daradii uu kacaanku balan qaaday in uu suulin doono ama uu meeshaba ka saari doono.

Hadaba Allaha ha u naxariistee Abwaan yam yam markii uu gar-waaqsaday in aan qaranka loo wada sineyn isla markaana ay soo muuqatay ifa-faale muujinayey kacaankii Siyaad Barre oo isticmaalayey erayo ay ka mid ahaayeen cid kasta oo ka hor timaada dawladda nabadgalaydana wax u dhinta kacaanku waxa uu ku qaban doonaa gacan bir ah, iyo dadweynihii soomaaliyeed oo iyagana dulqaadkii ka dhamaaday ,waxana uu Abwaan Yam yam markaa tiriyey Maansadisii Qaran ee aynu qoraalkeenan ku soo af-meeri doono.

Hadaba  marka aynu u soo gundo dagno somaliland waxa maanta ka taagan oo ah golihii guurtida oo dhaxal tooyo noqday,golihii wakiiladda  oo shan sanno la doortay toban sanno fadhiya, oo hadana mudo kordhin doonaya, madaxweyne Siilaanyo oo shan sano la doortay markii shantii sanno ka dhamaatayna mudo kordhin u taagan,waxana muuqata in la laalay qodobka 22-aad ee dastuurka Somaliland oo sheegaya in qof kasta oo muwaadin ahi uu xaq u leeyahay in uu wax doorto lana doorto,sidaasi darteed komishanka doorashooyinka waxaan u soo jeedinayaa in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo saaraan maalinta ay dhacayso doorashada golaha wakiilada iyo madaxtooyadu.

Hadaba akhristow markii aan eegay sida ay doorasho dhacda ay uga soo horjeedaan madaxtooyada iyo golahyaasha sharci dajintu si ay kuraasta u sii fadhiyaan iyo sida ay doorasho dhacda ugu heelan yihiin umadda reer Somaliland ee Cod bixiyayaasha ah iyo musharaxiinta hamiga siyaasadeed leh, ee u taagan golaha wakiilada iyo madaxtooyadda oo ah wax aad u kala fog,waxaan xasuustay Maansadii Qaran ee uu tiriyey Allaha u naxariistee Abwaan C/qaadir Xirsi Yam yam ee uu yidhi.

Qab qab dhaafay iyo waxaan arkaa qaadan kari waa

Dadweynahan qamaamay ee fardaha qoobabka leh fuushan

Ee sugaya qaynunada sare in loo qaado

Qarqarsigu hadduu xadhiga adag qoofalada qoosto

Qiyaamaha masuul yaa ka noqon qaan dadbaan hadhin

Miyaan se qaranka loo wada sineyn nin iyo qaybtii

Qore: C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com