QM oo lacag gargaar u codsatay Soomaaliya

Somaliya(Slpost)-Qaramada Midoobay ayaa codsatay in ka badan boqol milyan oo dollar oo lacag gargaar deg deg lagu siinayo Soomaaliya, si looga hortago cunto la’aan soo food saartay in ka badan hal milyan oo qof.

Xiriiriyaha Qaramada Midoobnay u qaabilsan Soomaaliya arrimaha gargaarka Peter de Clercq, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in talaabo deg deg ah loo baahan yahay hadda.

Wuxuu sheegay dadka ay waayeen wixii ay ku badbaadi lahaayeen, lacagna in loo baahan yahay si looga hor tagpdhibaato wayn.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nafaqo daro awgeed ay dad u dhinteen sida ay sheegayaan wararka.