QM oo ku baaqday sii anba-qaadista wada-hadallada Guddiyada Farsamo ee Somaliland iyo Somalia

New York (SLpost)- Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa War-bixin u jeediyey Golaha amaanka Qaramada Midoobay oo fadhi gaar ah ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya.

War-bixintan oo ku saabsanayd Xaaladda siyaasadeed ee xilligan ka taagan Soomaaliya iyo khilaafaadka la xidhiidha habka loo qabanayo doorashada soo socota ayaa Ergayga Xoghayaha guud wuxuu ku soo hadal-qaaday Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee bishii June ee sannadkan ka qabsoomay dalka Jabuuti.

James Swan oo hadal dheer oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya ee xilligan u jeediyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Dalka Jabuuti, waxaase uu soo jeediyey in la sii wado Wada-hadalladii la qorsheeyay ee ka dambeeyay.

“Waxaanu soo dhawaynaynaa kulankii hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ee uu marti-galiyay Madaxweynaha Djibouti 14 June, ee ay fududeeyeen Midowga Yurub iyo Maraykanku.” Ayuu yidhi, James Swan waxaanu intaa ku sii daray in la sii wada-hadalladii loo ballamay ee Guddiyada Farsamo.

“Waxaanu ku boorinaynaa in la sii wado wada-hadalladii daba socday ee guddiyada farsamo iyo guddi hoosaadyada”, sidaas ayuu yidhi Danjire Swan.

Somalilandpost.net