Qiso yar oo cajiib ah

 

Wiil Arday ah oo ka Dhashay Qoys Faqiir ah ayaa wuxuu waayay wax uu Cuno, wuxuuna Dareemay Gaajo aad u Daran,

Gurigoodana uma Dhowa, wax Lacag ah oo Cunto ku iibsadana ma Heysto, intaas ka dib Guri ayuu Garaacay markaa Waxaa ka Furtay Gabar yar, wuxuuna ku yiri:- Walaal Biyo i sii.

Gabadhii yareed waxey Dareentay Wiilku inuu aad u Gaajeesan yahay markaas ayey Koob Caano ah u keentay, markuu Cabay ayuu ku yiri:- Walaal maxaan kuugu Abaal gudaa?. Gabadhii waxay ku tiri:- Hooyadey ayaa i Bartay inaan Dadka Wanaag u Sameeyo, waxna kaama Rabo Walaal. Wiilkii ayaa yiri:- Haye waad Mahadsan tahay Walaal, wuuna iska baxay.

Haddaba, muddo ka dib Gabadhii ayaa Xanuunsatay, oo Xanuunkeedu wuxuu ahaa mid aad u daran, una Baahan Qarash aad u Farabadan, balse Qarashkaasi waxaa Damaanad qaaday Ehelkeeda, intaas ka dib Gabadhii waxaa la Saaray Miiska Dhakhtarka, dabadeed Dhakhtarkii loo keenay markuu Arkay ayuu Oohin Bilaabay, hadaba in yar ka dib Howshii Dhakhtarkii wuu ku Guulaystay, markuu Xafiiskiisa tagay ayuu Warqad u soo Diray Gabadhii yareed.

markii Gabadhii Warqada loo keenay wey Naxday, waayo Xanuunkeedu wuxuu ahaa mid Halis ah, Lacagtiisuna ay aad u Farabadneyd, balse markay Waraaqdii ay Furtay waxay ku Aragtay Hal Erey oo keliya kaas oo ahaa:- (Walaal Lacagtii waxaad ku bixisay Koobkii Caanaha ahaa), Gabadhii wey Ooysay iyada oo ilaahay u Mahad celisay, waxeyna Garatay in Ninkani uu yahay Wiilkii ay Koobka Caanaha ay siin jirtay.

Wabillaahi Towfiiq.

(ILAAHOOW NAXRIISTAADA NA SII).

W.Q:- Dayib Abdi Hirsi