Qiso Xiise Badan Oo Dhex Martay Madaxweyne Jacfar Numayri Iyo Nin Ka Mid Ahaa Shaqaalaha Dawladda 

Khartuum (SLpost)- Jacfar Numayri oo hore madaxweyne uga soo noqday dalka Suudaan waxa uu ka mid yahay madaxweynayaasha dunida soo maray ee leh qisaska badan ee maadayska iyo qosolka noqday. 

Goor subax ah ayaa uu madaweyne Numayri boogasho indha-indhayn ah oo aan hore loo sii filayn ku tegey mid ka mid ah wasaaradaha dalka Suudaan. Inta uu kursi hor dhigtay kadinka laga galo dhismaha wasaaradda ayaa aanu qof kasta oo waqti ka dambeeya kii shaqada ee rasmiga ahaa wasaaradda yimaadda waxa uu weydiinayey sababta, cidda aanu cudur daarkeeda maangal u arkin ama dayacaadi ka muuqatana waxa uu u gudbinayey anshax marin.

Madaxweyne Numayri oo halkii fadhiya ayaa waxaa u yimi mid ka mid ah shaqaalihii wasaaradda oo goor aad u dambaysa socda, ninkan shaqaalaha ah oo gartay in ruuxa meesha fadhiyaa madaxweynihii dalka yahay, waxaa dhex maray sheekadan xiisaha badan:

Madaxweynihii: Ma shaqaale ayaa aad ka tahay wasaaraddan:

Shaqaalihii: HAA

Madaxweynihii: Maxaa aad ku soo habsaantay?

Shaqaalihii: Wallaahi, qoys jaarka ka mid ah ayaa ay geeriyi ku timid oo aan aaska yara tegey, hadda ayaa aanan xabaashii ka imi.

Madaxweynihii: Gartay, Ma geeri ku timid qoys aad jaar tihiin awgeed, ayaa aad laba saacadood kaga dib dhacday waqtigii lagaa rabay in aad shaqada timaaddo.

Shaqaalihii: Oo adigu markii uu dhintay Cabdinaasir (Waa Madaxweynihii Masar) inta aad aaska ka qayb gashay ayaa aad shaqada qaranka toddobaad dhan kaga maqnayd ee ma cid baa ku xisaabisay?!!

Madaxweyne Numayri oo arkay in uu ninkani ka gar joogo maadaama oo uu isaguba geerida dal deris ah ka dhacday ku maqnaa muddo ka badan inta uu ninkani ku maqnaa geerida deriskiisa. Ayaa qosol awgii ku sigtay in uu kursiga ka dhaco isaga oo leh, “Aamus, aamus..”

Jacfar Numayri oo ahaa madaxweynihii Shanaad ee dalka Sudan waxa uu xukunka afgembi ku qabsaday sannadkii 1969kii waxa aanu talada dalkaas hayey tan iyo sannadkii 1985kii.

Xigasho Geeska