Qiime-jabnaanta Telefoonada Chinese-ka ah iyo Saamaynta ay ku Yeesheen Da’ Yarta – W/Q: Ceelaabe

mobilesSomaliland gaar ahaan caasimada Hargeisa waxa Xornimo Halkii ugu Sareysey Mareysa Isticmaalka Technologyada isgaadhsiinta iyo Adeegsiga Mobile-ka gacanta. Tirada Dadka iyo Mobilada la sito ama lagu dhex iibinaayo waxa la moodaa in Mobiladu kaba badan yihiin. Meheradaha iibiya ama laga helo Mobilada ama Telefoonada gacanta ayaa ah kuwo aan Qiyaas laheyn. Iibka Mobiladuna wuxuu marayaa Meel aad u sareysa,Inta kuwo cusub iibsaneysa,inta iska badaleysa,Inta laba ama saddex kala duwan qaaadaneysa,Inta baayaceysa, ayaa ah kuwo Meherado badan markaad gasho aad ugu dhex Tageyso.

Inta uu ka xumaadey ee sameysaneysa ama uu ka lumey ee werwersan ama Meel ku ilowdey Ayaa dhinaca kale Dareemeysa Kaalinta uu ugu Jirey Telefoonka Gacantu ” Waxaan Xasuustey Nin uu bas kaga dhex Lumey oo Jeebadiisa ka dhacey leh walaal Lambarkaasi i qaraaac waxaan ku ilaawey Bas dhexdiiye “. Dhalinyarta xiisaha u qaba in ay Telefoon gacanta ah qaataan ama loo iibinaayo Ayaa dhinaca kale markasta intii hore ka soo badaneysa.Hablo iyo Inamo intaba, dad waaweyn,Siyaasiyiin iyo Qurbo Joogba sida Cuntada ayaa laga guranayaa lagana iibsanayaa Hargeisa Mobilada kala duwan.

Da’yar badan ayaa kaga Mashquuley waxbarashadii, oo Wax ka dhageysanaaya, Daawanaaya ama Wakhti badan qof kula hadlaaya isla markaasina lacag iyo Kharash kaga baxaayo Ayaa intii hore xaafad kasta kaga soo badaneysa. Wiilal iyo Hablo xita aan qaan gaadhin Ayaa sita ama hore looga iibiyey,Hadyadaha ugu qaalisan ama wax qof codsado ama loo keeno Ayuu noqdey Telefoonka gacantu.Telefoono gacanta ah oo Jaban isla markaasina leh Adeegyada dhamaan kuwa casrigan oo laga  keeno Shiinaha (China Mobiles) ayaa wadankeena u horseeday in dadkii oo dhami isa soo wada gaadho.Telefoon magacana ka ah Samsung Adeegyadii oo dhana wata, Muuqaalkana ka ah Samsung,Laba Simcard leh Laakiin Qiimihiisu yahay 18$ Ayaa suuqa ka soo buuxsamey.Marka Telefoonkii gacantu maraayo 15$ wax kastana uu wato waa si aan cidna uga maqnaanin loona wada qaato.Waxaana la is weydiin karaa Telefoonka 2013 lagu gadaayo 15$ Labo sanno ka dib qiimihiisu intee Ayuu gaadhayaa Miyaan 5$ laga filan karin.

Sida caalamkuba ugu digo rogtey Isticmaalka mobilada gacanta ee Faraha iyo taabashada ku shaqeynaaya Ayaa Wadankeenana laga dareemayaa in wakhtigan dadka ugu badani ay sitaan kuwaasi isla markaasina waxa ugu badan ee la iibsadaa ay yihiin kuwaasi taabashada farta ku shaqeynaaya.Dhawaan Ayaana la rajeynayaa in Meherad kasta 90% Telefoonada yaala ay noqdaan kuwo wada taabshada gacanta Finger touch ah. Dadkuna way qaadan doonaan Mobilada finger tajka ah,si toos ah ayaana looga wareegi doono kuwii keyboardka ahaa.

Mobilo Jaban iyo is gaadhsiin xor ah oo aad ku heleyso Lambaro iyo cards intaba lacagta ugu yar Ayaa u sahashey in dad badan gaar ahaan da,yar badani noqdaan kuwo si toos ah ugu xidhan Telefoonada casrigan,Inkasta oo la sheego caafimaad daro la xidhiidha tayo darada mobilada lacagta jaban lagu iibiyo ee China laga keeno haddana sida loo iibsado iyo sida loo dhaliilo waxa badan sida loo iibsado ama loo sito. Magaalada ugu isticmaalka badan Telefoonada Somaliland oo Hargeisa ahina waxa ay mareysaa halkii ugu sareysey oo xitaa kuwo waalan Ayaa sita Telefoonka gacanta dhagtana ku heysta.

Sannad kasta nooc cusub iyo aalado casri ah oo ka duwan kuwii hore ayaa suuqa la soo dhigaa,androids,iphone,blackberry,samsung Apple ah Ayaana isbedel dhinaca Technologyada mobilada ah aduunka ku haya.Nokia and Ericsson oo ahaa Mobiladii 1990 s aduunyada Wejiga cusub u fureyna waxa suuqa ka saarey Mobilada casriga ah ee ku shaqeynaya magacyada sare.

Qof kastaa isaga ayaa isku filan cid ina mashquulisana uma baahnin mar haddii aynu heysano telefoonka gacanta,Farxad iyo Istareex Ayeyna dad badan u arkaan heysashada Telefoonka gacanta.Habeen iyo maalinba waa wehel inagu dheer oo aynaan ilaaw karin, Nolol Xornimo iyo Farxad,Maalinkasta oo ka mid ah nolosheena Mobilekaa ka qeyb qaata,Mobile la,aan waa Nolol La,aan meelo badan sida ay u muuqato ayey u eekaatey.In l is arko waxa ka fiican in la soo wada hadlo.Waa Dal dhaweeye aad kaga warheyso saaxiib kasta iyo qof kasta oo dunida dacaladeeda kaa jooga oo ehel iyo asxaaba ah,waa Chat,Music,Internet,Movies,Video,Camera,Bluetooth etc aan kala go,eynin.Waa aalad la qabatimey oo dadka qaar sii qabatimeen,Sowta Facebookna si toos ah looga galo Fariimahana laga soo diro Telefoonada gacanta adiga oo meel Fog aduunyada ka soo Jooga asxaabtuna kaa fog tahay.

Abdifataah Mahamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com