Qiimaynta qaabkii ay u Qabsoomeen Cayaaraha Goboladu iyo Khaladadkii soo Maray si loo Toosiyo Mustaqbalka

Hassan AbdalleWax kasta oo dunida la qabanayo waxaa lagu gabagabeeyaa qiimaayn guud si looga faaiidaaysto waxyaabihii la soo qabtay ,sidaa daraadeed  waxaa waajib ah in qiimaayn guud lagu sameeyo cayaarihii Gobolada ee dhamaaday inagoo marnaba aan ka tageeyn waaqiciga dhabta ahaa ee aay ku sugnaayeen habsami u socodkii cayaarahaas.

Waxaa kaloo muhiima in umadu qiimaayso laakiin aan lagu saleeyn amaan iyo dhaliil aan munaasib ahaayn waxaan ku saleynayaa qiimaayntan hab aqooneeyd iyo waaya aragnimo ku qotanta isla markaana aan uga gol leeyahay in laga faaiidaaysto mustaqbalka in la saxo waxyaabaha degdega loo qabanayo.

Aan u soo noqdo Mawduucan muhiimka ah ee qiimaaynta waxaan ku bilaabayaa waxyaabihii aay bulshadu ka faaiidaaysatay una riyaaqaaysay ee aay ka dhaxleen 20kaa cisho ee aay socdeen cayaaruhu waxaa ka mid ahaa.

1-      Garoonka oo si wanaagsan loo sharxaay gaar ahaan gidaarada oo shirkaduhu ku xardhanaayeen taasoo aay shirkaduhu fahmeen qiimaha xayeeysiiska iyo sponserka mustaqbalkana  la filayo in aay  ka sii wanaajiyaan.

2-      Qalabka  cayaartooyda iyo garsoorayaasha  oo la gudoonsiiyay ka hor intaan cayaaraha la bilaabin kana qaaybqaatay bilacda tartanka.

3-      Live TV dadku kula socdeen ilaa bilawgii tartanka gudo iyo debadba sharafna aay inoo ahaayd arinkaasi mahadna aay leeyihiin tv yadii hirgaliyay iyo shirkadihiiba.

4-      Sawirqaadayaasha oo soo baahinayay sawiro aad u qurux badnaa iyo wariyayaasha ku hawlana baahinta oo karti dheeraad iyo codkarnimo muujiyay guulaaysta.

5-      Gudoomiyayasha Gobolada oo horkacayay Goboladooda dadaalna la garabtaagnaa.

6-      Ciidanka Ilaalada garoonka oo aad ugu hawlanaa nabada Garoonka kana soo dhalaalay kaalintoodii.

7-      Madaxweeynaha Jamhuriyadda  somaliland oo qiimeeyay tartanka isla markaana furay cayaaraha taasoo ahaayd sharaf weeyn Goboladii ku guulaaystana ku qaabilay salaan sharafeed madaxtooyada.

8-      Cayaartii Fainalka oo cayaartooydu muujisay xilkasno walaalnimo iyagoo isku haneeyay guusha cidii heshay.

9-      Taageerayaasha oo si sharafi ku jirto ku soo galaayay kuna dareerayay intii tartanku socday

Maxaa Qaldanaa oo Muhiima in laga Faa’iidaysto.

1- Xidhiidhadii Cayaaraha kala duwan oo aan hogaaminaayn tartanka (sports federations) .

2- Jadwalka oo soo baxay goor dambe ayadii aay ku qornaayd far qalin taasoo aan runtii ku haboonaayn cayaaro la qabanaayo.

2-Xadhig loo adeegsaday kooxdii togdheer ee cayaaraha laga reebay .

3-Madaxda Qaar oo si cad udhex galayay ama ka doodaya  garoonka dhexdiisa.

4- shruucda cayaaraha caalamiga ah oo aan la qiimaayn lana baal maray.

5- Qaaybinta Jaaisadaha oo lagu fashilmay gaar ahaan kala reebista gool dhalinta oo an faahfaahinba laga sii bixin tartanka ka hor.

6-Kooxdii Orodada  Daadmadhedh oo aan lala simin dhigoodii.

Waxaa kaloo jiray khaladaad farsamo laakiin la sixi karo hadii  la kobciyo aqoontooda gaar ahaan garsoorayaashii cayaaraha qabanayay .

F.G:  Qiimaayntan waxaay ku qotantaa fikrado badan oo aan weeydiiyay dhalinyartii daawanaaysay cayaaraha.

Alla Mahad leh

 Hassan Waraabacadde

G.H. Cyaaraha Somaliland, Norway