Qiimaynta Axmed-Siilaanyo

Qiimaynta siyaasiga maantu waa garashada ka berri. Markaa Axmed-Siilaanyo aniga sidan hoos ku taxan ayuu ii gu qiimaysan yahay.

 

  1. Waagii uu ka tirsanaa maamulkii dawladihii Soomaaliya waxaa la gu ammaanay in uu ahaa nin hawlkar ah shaqadiisana ka adag.

 

  1. Xilligii uu hoggaaminayay halgankii SNM raggiisa ayuu ka mid ahaa, mana jirto bogaadin ama dhaliil gaar ah oo uu xilkaa ku mutaystay.

 

  1. Markii dalka la soo galay ka ma uu badbaadin dhiriqdii colaadda qabyaaladeed, la gu mana baran samatalisnimo iyo nabadaynta bulshada.

 

  1. Markii uu yeeshay hanka ah in uu dalka madax ka noqdo, ujeedkiisa wax uu u maray waddo qabyaaladeed, shirkii Garadag ee uu isagu odayga ka ahaa ayuuna xisbigiisa Kulmiye u gu xidhay wacad gaashaanbuur
    qabyaaladeed.

 

  1. Isla markii uu dalka madaxweynaha ka noqday wax uu galay hawlgab, hawlaha dalkana wax uu ku aamminay dad kale, isaguna wax uu yeeshay oo keliya saxiixa, wax uuna gaadhay heer uu umadda uu madaxweynaha u yahay soo hor fadhiisan kari waayo oo wayddiin qudha ka jawaabi kari waayo, iyo in eray wal oo uu odhanayo warqad loo gu soo qoro xitaa salaanta.

 

  1. Hawlgabnimadaasi wax ay u diidday in uu haba yaraatee dawlad wanaaggii loo baahnaa wax ku soo kordhiyo, waxaana baabba’ay sharcigii dalka, xilalkii dawladduna wax ay noqdeen wax la ga ganacsado oo la isu gu qaraabo kiilo, hantidii yarayd ee dalkana wixii aan la boobin eex baa la geliyay.

 

  1. Isaga oo sidaa u itaal daran, taladii dalkuna aanay gacanta u gu jirin, ayuu haddana isu xilqaami waayay in uu umadda u qabto doorashadeedii dastuurku farayay, xilkana si sharaf leh u ga dego, wax uuna hirgeliyay doorashada dalka markii la doono in la baajin karo, iyo in xilalka golayaasha qaranka la gu joogi karo doorasho la’aan iyo sharci darro.

 

  1. Xilka wax uu ka tegayaa iyada oo aan dalka la ga aqoon wax sharci iyo dastuur la yidhaahdo, iyada oo awoodda dawladdu tahay fursad dalka la gu boobo dembina aanay ahayn haba yaraatee, iyada oo qabyaaladda siyaasadeed dabarka goosatay oo aan qofka muwaaddinka ahi wax kaleba ku talo gelayn, iyada oo aanay jirin hay’ad qudha oo dawladeed oo doorasho sharci ah ku fadhidaa.

 

Taariikhda siyaasadeed ee Axmed-Siilaanyo waa intaa haddii ay halyeynimo tahay iyo haddii ay budhcadnimo tahayba.

 

Ibraahin Yuusuf Axmed(Hawd)