Qiimaha Doolarka Oo Dhulka La Dhigay Iyo Wali Maciishada Oo Halkeedii Taagan

Hargeysa(SLpost)-Qiimaha shilinka Somaliland ayaa sare u kacay kadib markii xukuumadu ay samaysay dadaalo wax lagaga qabnaayo qiimo dhaca ku socda lacagta dalka, dhanka kale waxa ay arintani saamayn balaadhan ku yeelatay dadka dibada wax looga soo diro ee doolarka ka soo qaata xawaaladaha.

Halka maciishadu ay halkeedii taagan si kasta oo loo jabiyay doolarka, waxaana inta badan ay ganacsatadu ku doodi jiray in doolarka sare u kacay uu saamayn ku yeeshay waxyaabii ay iibinayeen taasina ay ahayd sababta ay wax badan u qaaliyeeyeen.

Xukuumadahii kala danbeeyay ee Somaliland soo mara oo ta haatana ay ku jirto ayaan ku dadaalin inay shacabka ka horsitaagaan sixirbararka iyo lacagaha ganacsatadu ay si aan shuruud lahayn u dulsaarayaan waxyaabah ay iibinayaan.

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland