Qiimaha Biyaha – W/Q: Cabdifataax

Biyuhu Waa nolol,Noloshuna waa Biyo Ayaad Maqashaa.Biyuhu iyaga ayaa ka qaalisan kana horeeya Shidaalka oo aan maanta garaneynu sida uu Aduunka ugu yahay wax aan laga maarmin.Dad baa in badan u socda si ay biyo u helaan ama ula soo baxaan,Sheekooyinka la xidhiidha Dagaalada iyo Raadinta biyaha loogu Jiro Ayaana Meelo badan oo aduunka ka mid ah laga dareemayaa.Cabida biyo aan Nadiif aheyn Ayaa Dad badan Naftu ku qasabtey.Xanuunada ka dilaaca Marka la cabo Biyaha aan nadiifta aheyn ama laga Dhaansado Dhulka wasakhda leh Ayaa ah fariin caafimaad oo in badan la gaadhsiiyo Bulshada gaar ahaan inta baahidu u geyn karto.Weligeedba taariikhda Dad u ooman Biyo ama Biyo raadin Noloshoodu Khatar u gashey Ayaa laga Maqli jirey.

Marka Biyo la soo hadal qaado ama laga Hadlo baahida loo qabo Biyo waa Fikir iyo su,aal ay tahay in laga bixiyo Jawaab rasmi ah una baahan in dadku Fadhiga uga kacaan baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshada.Markaad maqasho Biyo la,aan iyo Haraad ama oon ka Jira meelo ka mid ah Isla magaalada aad ku nooshey oo ay ku noolyihiin dad ka cabanaya biyo yaraan ama biyo la,aan waxaad dareemeysaa xanuun iyo Dareen aad kula qeybsaneyso dadkaasi ka cabanaya in ay ka qatan yihiin Mid ka mid ah baahiyihii aasaasiga ahaa ee nolosha oo ah Biyo iyaga oo weliba tabanaya in aan loo Sineyn Helida biyaha Caasimada oo Xaafadaha qaarkood ay Helaan Biyo ku filan sida ay qabaan.

Inkasta oo Maqaalkeygan aan Jecelahay in loo Arko Mid taageero iyo Hiil u ah Bulshada biyo la,aanta ka cabaneysa,Haddana Waa Mid isugu Jira Aqoon guud oo la xidhiidha Biyaha iyo Canaan ku socota Shacabka Somaliland guud ahaantii oo Dawladuna ku Jirto.

Weynu hadalnaa hadana ma Helno inta badan Natiijo sax ah oo lagu qanco,Inta badan Arinta la xidhiidha Biyuhu waa qodob taagan oo sannooyinkii ugu danbeeyey isa soo taraayey haddana weli Isbedel lagu faano oo raaligeliya ama ay ku qancaan dadka aan helin biyaha wakaalada hargeisa weli lama hayo.Waxa xagal daaca ugu wacan Qorsheyaasha Wasaarada macdanta iyo biyaha ama Wakaalada biyaha hargeisa ee la xidhiidha Hirgelinta Beebab biyaha qaada oo Ku faafa Caasimada aan u deyno shacabka kale iyo dawladu in ay Jawaab u helaan.

Shicibka Somaliland Ma yahay Horta dad Dedaal ugu Jira sidii biyo loo heli lahaa ama looga haqab bixi lahaa?Dad Dood iyo hadal afka ah wada,Dad ficilka iyo waxqabadku ku yaryahay,Dad ayaamaha qaar uun Qeyliya ka dibna aan diba loo arag,Dad Qayilaad iyo Fadhi ka doortey Hawlkarnimadii iyo Dedaalkii wadanku u baahnaa Ayaa somaliland camirey.Maxaa biyo ilaahey inoo shubaa,Maxaa daad iyo biyo ina dhaafa,Maxaa Biyo looga fa,ideysan lahaa beeraha iyo nolosha meelo badan laga seexdaa oo ina Jiidha.Dad iyo dawlad Waxqabadka meelo badan ku danbeeyaa sida ay Natiijo u gaadhaan wey adag tahay.23 sanno kadib Ayaa laba xaafadood oo isku dhow Midna biyo la,aan laga cabanayaa Midna ay heshaa.

Somaliland ma laha ceelal waaweyn oo biyo ay ku dhacaan la nadiifiyo,Ma laha Baliyo waaweyn oo Biyuhu ugu dhacaan Beeraha ama xoolaha nool,Ma laha Harooyin waaweyn ay ku hadhaan biyaha badan ee roobku,Ma laha Dhaamyo biyo wax lagu qabsado ay ku keydsamaan,Ma laha Webiyo waaweyn oo Mara isla markaasina Baahida biyaha loo qabo dadka wax uga tara.waxase ay leedahay Dooxyo waaweyn oo Biyaha ku dara Bada.Qiimaha biyaha Ayaa laga cabanayaa,Cashuur Ayaa dhinaca kale laga hadlayaa,Haddii Foostada biyaha ahi ay 12,000slshilin ah taagan tahay waxa la is weydiin karaa Dadka ay biyuhu u soo dhacaan Foostadu imisa ayey ku taagan tahay.waxqabad Muuqda iyo hawlgal laxidhiidha hirgelinta Jidkii ay Caasimadku ku heli laheyd biyo ku Filan isla markaasina Shacabku ay ku haqab bixi lahaayeen waa in Shacabka,Dawlada iyo Guud ahaan Dadka arintani ay quseysaa ay ka hawlgalaan,Dawladuna waa in ay door muuqda ka qaadataa,Dedaalada socdana waa in aan laga quusan lagana rajo sugo oo aan Awoodeena iska yar la saluugin.

75% Aduunyada biyo Ayaa fadhiya,haddana 75% kaasi in ku dhow 97.5% ayaa ah biyo Milixleh oo Dhanaan oo badaha aduunyada ka buuxa.2.5% in ku dhow Ayaa ah biyo Dhulka ku jira ama Fadhiya oo barah noqdey.Baahida biyaha loo qabo Ayaa ah mid Jirta oo aduunka ka taagan.Meelo badan Ayaa la iska weydiinayaa sida Dadka aduunka ee 7 billionka gaadhey loo wada gaadhsiin karaa biyo ku filan.Tirada dadka Ayaa sii kordheysa meelkasta aduunyada oo Somaliland ku Jirta markasta oo dadku sii batana baahida biyaha loo qabo ayaa sii badaneysa.Nolol Barwaaqo ah Ayaal wada rabaa,Bulshada Aduunkuna waxa ay iskugu timi Magaalooyinkii oo waxa laga soo wada guurey Meelo badan Miyigii.Cimiladii Aduunka ayaa is badashey dhinaca kalena Deegaankii ayaa Nabaad guur lagu sameyey oo Dhirtii laga Jarey.Waxaana la isla qaatey in aan Aduunku wakhtigan biyo ku filan heysanin,Yurubna xitaa Biyaha wasakhda leh ayaa laga daba tagaa oo la nadiifiyaa si loo cabo Mar labaad.

 

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com