QAYLO-DHAAN: Bulshada Ka Soo Jeedda Baay Iyo Bakool Oo Hargeysa Ku Dhibaateysan

Haddii aad tagtay waad aragtay, haddii lagaaga sheekeeyeyna waad maqashay  burburkii Soomaaliweyn ka dib magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya iyo Soomaaliland labaduba dadka ka soo jeeda gobolada bay iyo bakool ee loo yaqaan “Raxaweyn”  waxa ay ku joogaan magaalooyinkaa oo ay ka shaqeystaan, ganacsiga hoose sida kutubada, tusbaxyada, bakooradaha, koofiyadaha, qamiisyada, cadarada yaryar iwm. Waxa ay meel la fidhiyaan ama la socdaan kaariyoonayaal ay  ka buuxaan waxayaabahaa aan kor ku soo sheegnay. Haddii aad soo marto magaalooyinka Muqdisho, Jawhar, Beledweyne, Gaalkacyo, Garoowe, Boosaaso, Laascaanood, Burco, Hargeysa, Gabiley iyo Boorame waxa aad arkeysaa iyaga oo meel gaar ah oo lagu yaqaan ka degan oo ku mashquulsan ganacsigoodaas, maamulka meeshaa iyo bulshada wax ka iibsataba ay ku ogyihiin halkaa. Badanaa dadka raxaweynta ah waxyaabahaa ay ka ganacsadaan  way ka jaban yihiin, beeca iyo sicirka isla shaygaa marka uu yaalo maktabadaha iyo meelaha kale ee meherad ahaan loogu furtay. Taas oo dad badan oo dan yar ay sigaar ah uga faa`iideystaan  uguna xidhan yihiin.

Dadka ka soo jeeda bay iyo bakool ee Raxanweynta ahi  waa qaxooti uu dhulkoodii ka keenay abaaro iyo dagaalo sokeeye oo muddo socday. Dadkan waxa lagu sheegaa ama lagu yaqaan marka dadka reer koonfureedka ah dhaqan iyo deegaan  la isu raacinayo dad beeraley iyo xoolo dhaqanto ah oo nabadeed, kuna wanaagsan martigelinta,badbaadinta  iyo xurmenta dadka kale ee ku dhex nool.

Haddaba waxa maamlmahan dambe indhaheyga soo jiitay, uurkeygana walaac geliyey sida ay dadkaa raxanweynta ah ugu nool yihiin magaalada Hargeysa oo ah Magaalo madaxda Soomaaliland.wixisi sannadkan  2012 ka horeeyey waxa ay qawmiyadan magaalada Hargeysa ugu noolaayeen  si nabad ah oo ay nolol maalmeedkoodana la soo baxaan. Laakiin markii uu bilowday sannadkan aynu ku jirno ee 2012-ka waxa mar  keliya  uu isbedel aanay ka gaashaaman oo ka dhacay  magaalada Hargeysa, ka dib markii ay Dawladda  hoose ee Hargeysa qaaday olole la magac baxay , sugidda nabadgelyada iyo hagaajinta billicda magaalada Hargeysa.   Kaas oo ay ku burburisay kuna banaysay, kagana rartay dadkii ku ganacsanayey meelo badan oo ay ganacsato yaryari buulal iyo kaariyoonayaal ku haysteen. Dadka Raxanweynta ah iyagu meeshii ay magaalada hargeysa kaga ganacsan jireen dhammaan waa la burburiyey oo laga cayriyey. Sida dadkii kaleba ku dhacday iyagu meelna lama siin meeshoodii horena qofkii lagu arko waxa ay noqotay dembi iyo ganaax joogto ah. Hawlgalkan waxa uu  saameeyey dad badan oo Soomaaliland u dhashay iyo dad aan u dhalan labadaba, kuwaas oo deganaa  kuna ganacsaneyey meelihii  uu hawlgalkaa saameeyey oo dhan, sida wadooyinka waaweyn hareerahooda, dadkaasi ama kutub ha iibiyeen, kabo ha iibiyeen, qaad ha gadeen, dahab ha ka ganacsadeen iwm.  Barnaamijkaa ay dawladda hoose  ee Hargeysa  fulisay  ganacsato badan oo yaryar ayey noloshoodii dhulka la sintay, kuwa reer Baay iyo Bakoolse labo baac ayuu ka sii hoos mariyey kuwii kale.amarkii ugu darnaa ee waxyeelada badan gaadhsiiyey dadkaa Raxanweynta ah ee ay dawlada hoose ee Hargeysa ay soo  saartay  waxa ugu dhib badnaa ee niyadda iyo nolosha dadkaa la degay markii la yidhi qofkii lagu arko isaga oo meelihii laga cayriyey wax ku iibinaya  kutubta ha laga rogo, kaariyoonahana halaga qaado oo xerada dawlada hoose ee Hargeysa hala geeyo, si aanu mar dambe awood ugu yeelan in uu Gaari yoone dambe halkaa soo dhigo. Qaar baa mid laga qaaday, qaar baa labo laga qaaday,  qaar baa shan laga qaaday,  ugu yaraan hadda Kaariyoonayaasha Beesha Raxanweyn kaga Jira Dawlada hoose ee Hargeysa  30  Kaariyoone kor ayey u dhaafayaan.

Magacyadan aan kor ku soo sheegay, maaha waxa ku noolaa ganacsiga yar ee ay hasteen iyo Kaariyoonadii ay riixi jireen keligood, laakiin waxa ay la haayeen  xaasas  iyo carruur ay ka biilaan iyo weliba waalidiin nugul oo ay koonfur kaga soo tageen oo ay wax ka tari jireen. Oday ka mid ah beesha raxweyn ee Hargeysa  degan oo ii xaal waramayey waxa uu igu yidhi “ walaahi maanta beesha raxweyn ee Hargeysa joogta waa loo yaabaa, tan  oo kale sannad todobaatanaad ayaan ku jiraaye maan arag, kirada guryaha aan ku jirno ayaa biil maalmeedka nooga daran, kaariyoone wax ma saari kartid oo dawladda hoose ayaa u taagan oo qaadaneysa.

inta ay kutubta ka rogto , garabna waxba kuma wareejin kartid oo waxyaabihii kala duwanaa ee aan haynay gacan kumawada qaadi kartid. Koonfur iyo dhulkii uma noqon  kartid oo weli dhibaatadii aan kaga soo tagnay ayaa ka taagan, ma tahriibi karno oo  tahriibku waa jid dheer iyo  khatar weliba dhaqaale kaaga baahan.

Mid ka mid ah dhalinyarada Raxaweyn oo malaha ilaa shan gaariyoone laga qaaday ayaa ku calaacalay, Hargeysa dhawr iyo toban  sanno ayaan joogaaye weligay kama aanan fekerin maxaad  maanta cuntaa, waan xoogsan jirey oo nolol maalmeedkeyga waan iska heli jirey, maanta wax  aan cuno iska daaye kaariyoonayaashii ay dawladda hoose ee  Hargeysa  igala wareegtay ayaa qaarkood dayntoodii faraqa la ii haystaa, waayaabe adduunyada kale shan sanno qofka joogo dhalasho iyo xuquuqda dalkaa in uu qaato ayuu xaq u yeeshaa, laakiin Soomaaliland xitaa miyaan xuquuqdeeda  lagu goyn Karin labaatan sanno haddii la joogo???? Maanta waxa na horyaala in aan kala doorano labo arrimood midood,  colaad dhereg leh oo koonfur ah iyo nabad baahi leh oo Soomaaliland ah.

Macalin dugsiyada quraanka  haysan jirey oo ka mid ah  bulshada Raxanweyn ee Hargeysa ku dhibaateysan oo mindhaa dhawr dugsi ardaydoodii horey u soo kiciyey ayaa igu yidhi “sannadkan aad  baa naloo kurbeeyey, anigu waxa aan gaadhay heer marka aan  aroortii salaada subax tukado  aanan ilaahey ka nabad gelin  Naarta, Janana aanan ka baryin, ee aan keliya ka tuugo in uu dawladda hoose ee Hargeysa  Kaariyoonkeyga iiga badbaadiyo”.

Waxba yaanan hadal kugu daaline, dhibaatada iyo cabashada ay dadkaa qabaan,  wax maqaal keliya lagu soo gudbin karo way ka badan tahay,  galab ayaan waxaan Hoteelka Oryatanka dhabarkiisa dambe kula kulmay wiilka da`ahaan ugu yar Raxanweynta Kaariyoonayaasha ku nool ee   ay dhibaatadan saameysay waxa uu ii sheegay “in dhawr kaariyoone laga qaaday oo ay dawladda hoose uga xeraysan yihiin, dhawr marna la xidhay, markasta oo la xidhana ganaax lagu soo daayo, taasina ay ku abuurtay huq ah in uu habeenkii ku qarwo,  iyada oo ay dadweynuhu ku leeyihiin war ka carar oo baxso waxa soo socda gaarigii dawladda hoose, yaanu kaa qaadan kaariyoonahee,  markaa ayaan  aniga oo hurda cagaha wax ka dayaa.

Si kastaba  arrimuhu ha u murugsanaadaane waxa aan ogahay iyaguna ay  igu raacsan yihiin in dhibaatada ku dhacday bulshada ka soo jeeda Baay iyo Bakool aanay iyaga oo keliya gaar ku ahayn ee ay la qabaan ganacsato badan oo reer soomaaliland ah,  waxase u nugleeyey ay tahay

Iyaga oo aan kayd lahayn oo lafow dhagax iyo qorrax joog ma qado xaalkoodu ahaa. Hadda iyo dan maqaalkani waa farriin iyo qaylo dhaan ku socoto dhammaan bulshada reer soomaaliland ee wanaagsan naxariistana badan, gaar ahaan Maayarka Hargeysa, Wasiirka arriimaha gudaha, madaxweynaha Soomaaliland iyo dhammaan hay`adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ee wax caawiya, iyada oo laga codsanayo  in bulshadaa reer Baay iyo Bakool ee runtii aad u dhibaateysan wax lala qabto, taas oo ay ugu horeyso in meel ay degaan la siiyo, cunto iyo dhaqaale ay deymaha isaga bixiyaana loogu gurmado.  Dhagax meel dhaw ayuu ku dhacaa, dhawaaqna meel dheer. Soomaaliland ma waxa ay ka liidataa Kenya oo Soomaalida  siisay Islii, Itoobiyana Boole, Yemena…Alqaras , sacuudiga Kilo sabca ……..iyaguna meel ay ku magac yeeshaan ha ka  siiyaan  Hargeysa.

Mahadsanidiin kala soo xidhiidha Bulshada Raxanweyn:

W/Q Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)