Qaybtii ugu horreysay Budhcad-badeed Soomaali ah oo lagu Maxkamadeeyey dalka Seychelles oo maanta Xukuumadda Somaliland lagu wareejiyey

Hargeysa, 28 March, 2012 (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay maanta la wareegtay Qaybtii ugu horreysay ee sagaal iyo toban budhcad-badeedda Soomaali ah oo laga soo sareejiyey dalka Seychelles.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Md Axmed Xuseen Caydiid ayaa xaqiijiyey in dalka la keenay Sagaal ka tirsan Budhcad-badeeda Soomaalida ah oo ay xukunno ku rideen maxkamadaha dalka Seychelles, si xukunadooda hore loogu xukumay ay ugu dhamaystaan xabsiyadda Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo sheegay inay sagaalkan nin ka mid yihiin sagaal iyo toban maxbuus oo budhcad-badeed Soomali ah oo lagu helay budhcad-badeed oo muddaba ku xidhnaa dalka Seychelles oo iyagu iskood u qabalay oo soo codsaday inay xukunkooda ku dhamaystan Somaliland xabsiyadda ku yaala.

Xidhiidhayaha xafiiska ka hortaga budhcad-badeeda u qaabilsan Somaliland  Md Maxamed Cismaan ayaa isaguna dhiniciisa ka sheegay in maxaabistan Soomaaliyeed ee budhcad-badeeda ah ee loo soo wareejiyey xabsiyadda Somaliland ay maxkamaddaha Seychelles ku rideen xukuno u dhexeeyey 10 sanno ilaa 24 sanno sannadihii 2010-2011.

Xidhiidhiyuhu waxa uu inta ku daray in maxaabistan  hay’addaha Qaramadda Midoobay u qaabilsan la-dagaalkanka danbiyadda ee UNODS ay u soo duulisay dalka Somaliland iyada oo laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Cigaal Internationl Airport ee magaaladda Hargeysa halkaas oo uu kula wareegay Wasiirka caddaaladda Somaliland.

Sida uu sheegay xidhiidhiyaha xafiiska ka hortaga budhcad-baddeeda u qaabilsan Somaliland Maxamed Cismaan dhamaanba maxaabistan budhcad-badeeda Soomaaliyeed ee loo soo wareejinayo Somaliland waxay u dhasheen Koonfurta Soomaaliya oo aanay ku jirin Puntland

Sida laga warqabana Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Seychelles ayaa bishii February ee sannadkan heshiis ku saabsan wareejinta maxaabistan budhcad-badeeda ah loo soo wareejinayo xabsiyada Somaliland ku kala saxeexday magaaladda London.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland