QaybtII 2aad ee Xog-warran Koobaya Bilowga Qaabkii loo Waayey Marxuumad Meydkeeda God laga Helay Iyo Jaranjarrooyinka Kiiskaasi Maray

Cabdirisaaq Siciid AyaanleHargeysa (SLpost)- Akhristayaal waxaaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb labaad oo ka mid ah Waraysi dheer oo Wargeyska Himilo la yeeshay Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay Walaalo ahaayeen Allaah ha u naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo Axaddii toddobaadkan Meydkeeda laga helay god looga qoday Guri ku yaalla magaalada Hargeysa, ka dib markii la dilay.

Cabdirisaaq oo waraysiga Wargeyska Himilo la yeeshay qaybtiisii koowaad aannu idiinku soo gudbinnay Caddadkii shalay intiinnii akhriday, waxa uu kaga warramay bilawgii sidii wax u dheceen, tallaabooyinka ay qaadeen markii ay waayeen Walaashii, sida lagu helay Meydka Marxuumadda iyo sidii lagu soo qabqabtay dad toban qof gaadhaya oo ay Boolisku Kiiskaas u hayaan. Waxaanay qaybta labaad ee Waraysigaas oo macluumaad iyo xog badan xambaarsani u dhacday sidan:

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay inay jireen marna wax isku dhac ah oo dhex-maray Marxuumadda ay Walaalaha ahaayeen iyo Gabadha dilkeeda loo haysto, waxa uu yidhi, “Intii ay lacagtan ku wadahadlayeen baa la igu yidhi; ‘ayey Marxuumadda Ruqiyi dhirbaaxday gabadhaas, ka dib markii sida la ii sheegay inay mar ku tidhi Jagaan ku siinayaa, dabadeedna intay meel bannaan geysay oo ay tidhi; ‘jagadaa qaado, waxay Marxuumaddu tidhi aynu dawladda hoose ka soo hubinno, markii dawladda hoose loo tegay ee Joon-mitir la geeyey-na la yidhi maaha jago halkani ee waa waddo, maalintaas baa la igu yidhi Marxuumaddu gabadhan aan u haysanno way dhirbaaxday.”

“Markaa, runtii anigu maan aqoon gabadhaas, laakiin markaan Hooyo waraystay labada Dumari saaxiib bay ahaayeen, aad baanay Marxuumaddu u taakulayn jirtay bay igu tidhi gabadhan. Hadalladii ay Hooyaday igu tidhi waxaa ka mid ahaa; ‘Gabadhaasi hadday Inantaydii dishay ma qarsoomayso oo Ceeshkeeda ayay cuntay’. Markaa, halkaas bay maraysaa, illaa toban qof baana hadda u xidhan kiiskaas.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirsaaq, waxaanu intaa raaciyey; “Arrimuhu sidaasay u dhaceen illaa haddana baadhistii waa la wadaa oo C.I.D-a iyo Booliska ayaa gacanta ku haya..Gabadha Muuna ee haatan xidhan markaan guriga Marxuumadda tegay waxaan ugu tegay iyada oo Hooyaday la joogta.”

Mar uu Cabdirisaaq ka jawaabayey waxa Meydka Marxuumadda Walaashii loo aasi waayey illaa hadda, waxa uu yidhi; “Meydkii wali lama aasin, weliba halkaa waxaan doonayaa inaan farriin u diro Xukuumadda, dawladda iyo Madaxeynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa weeyaan mushkiladaha ugu waaweyni waxa weeyaan intaas oo dil baa dhacay, waxa la igu yidhi; ‘illaa konton iyo lix 56 qof oo dil u xidhan Xabsiyada, qaar baa toban sano xidhan baa la leeyahay, qaar baa shan sano xidhan, qaar baa ka badan xidhan. Markaa, haddaan qofkii qof dilay loo dilin oo dadka la warwareejiyo oo aan arrintaa wax laga qaban waxa imanaysa inaan sharciga iyo dawladdaba loo iman ee qofkii qof laga dilayba Suuqaa dad kale ku laayo.”

Cabdirisaaq waxa uu sheegay inay iyagu qoys ahaan aad u ixtiraameen sharciga, immikana ay ixtiraamayaan, waxaanu yidhi; “Dilkan Walaashay annagu waxaannu u aragnaa Masiibo Qaran, markii hore  annu gabadha u keennay Booliska sharcigaannu keennay annagoo gacanta ku hayna oo og inay inantayada dishay, haddaanaan sharciga iyo dawladnimada ixtiraamaynin dee markii naloo soo sheegay ee inay baxsanayso ee aannu Boolisku u sheegaynay baannu halkay taagan tahay intaannu ugu tagno dili karaynay oo aannu ka aar-goosan karaynay.”

“Laakiin, sharciga, dawladnimada iyo kala-dambaynta dalka ka jirta ayaannu xaq-dhawraynay. Sidaa awgeed, waxaannu dawladda, Madaxweynaha, Xukuumadda, Hay’adaha Garsoorka iyo Ammaanka-ba aannu ka codsanaynaa oo aannu leenahay arrintani waa arrin xasaasi ah, waa dil aynaan hore u arag noociisa oo kale ee waa in caddaaladda naloo waafajiyaa oo sharciga naloogu fuliyaa cidda dilka Inantayada geysatay. Waxaannu caddaynaynaa oo aannu leenahay ka yeeli mayno cidna, Mana aasayno Meydka walaashay illaa dadkii falkaa geystay naloo dilo.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo aannu weydiinay inuu jiro wax wadahadal qoys ah oo u bilaabmay qoyskooda iyo qoyska ay ka dhalatay Gabadha dilka walaashii loo haysto, waxa uu ku jawaabay oo yidhi; “Wadahadal qoys oo na dhex-maray ma jiro, marka laga reebo Xildhibaan Golaha Wakiillada ka tirsan oo Gabadha dilka geysatay ay isku qoys yihiin oo la yidhaahdo Xuseen Cige ayaa nala soo xidhiidhay oo naga soo tacsiyadeeyey oo yidhi; ‘arrintaa aad baannu uga xunnahay, sharcigana wafajiya, diyaar baanannu idiin nahay wixii aad ku qancaysaan.”

Markaa Meydka ma wax baadhis ah baa weli ku socota? ayaa la weydiiyey Cabdirisaaq, waxaanu ku jawaabay; “Maya Baadhistii way dhammaatay, way caddeeyeen Dhakhaatiirtu. Laakiin, annaga go’aankayagu waxa weeye inaan Meydka Ruqiya la aasaynin, annaga oo waayo-aragnimo badan ka haysanna dad badan oo la laayey oo dadkii dilay aan sharciga lagu fulin. Markaa, Maxkamaduhu waa saddex Maxkamadood ciddii ambiil ka qaadatana waan arki doonnaa, laakiin in dadka falka noocan ah geystay ee iska daa ummadda Soomaaliyeede caalamka oo dhan ka wareeriyey in nala yidhaahdo halkaasay ku xidhnaanaysaaye Meydka Gabadhiinna aasta marnaba ma yeelayno annagu.”

Waxa Cabdirisaaq aannu weydiinnay tirada Carruurta ay Marxuumaddu dhashay, xaddiga lacageed ee ay gabadhaas ku lahayd iyo halkay Hargeysa ka degganayd, waxaanu ku jawaabay; “Marxuumadu Xaas bay ahayd, laba Hablood bay ka tegtay oo 15-jir iyo 14-jir da’doodu tahay. Qaddarka lacageed waxa la iigu sheegay Toban kun oo Doollar. Waxaanay degganayd Xaafadda Sheekh Madar, gaar ahaan agagaarka Geerash Aw Cali ee magaalada Hargeysa.”

Sidoo kale, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ka jawaabayey sida ay Tobankaa kun ee Doollar Walaashii Allaah ha u naxariistee u amaahisay Gabadha dilkeeda loo haysto, waxa uu yidhi; “Walaashay qof Ganacsatada ayay ahayd oo Meher Booshari ah leh, Ganacsi kale oo Suuqa ah way lahayd, taa ka sokow waxay Allaah ha u naxariistee qaban jirtay Hagbado badan oo kala duwan, markaa waxa la igu yidhi; ‘Hagbad ay Marxuumaddu ururinaysay ayay Gabadhani gacantii u horreeyey qaadatay oo ay ka baxday ama la fadhiisatay, lacago daymo ah oo ay ula soo cabatay oo ay ka bixisayna way jireen.”

Waxaannu Cabdirsaaq weydiinnay waxa ay kala yihiin tirada dadka Kiiska Marxuumadda loo qabtay oo uu sheegay inay tobon qof yihiin, waxaanu ku jawaabay; “Waxa weeyaan Gabadha dilka aannu u haysanno inay geysatay, Ninkeeda iyo Afar Carruura oo dhalinyaro ah oo ay dhaleen oo laba Gabdhood iyo laba Wiil kala ah. Waxa kale oo ku jira Nin intuu C.I.D-da yimi yidhi; ‘26-kii bisha ayaan arkay Ruqiya oo gaadhi ku maraysa Kala-baydh oo aannu isa-salaannay, Walaashayna 24-kii bishaa la dilay (bishii hore), markaa ninkaas iyo gabadhiisii ayaa iyaguna xidhan oo ka mid ah dadkii ay labadii maalmood ee ugu dambeeyey intaan la qaban ay gabadhani la hadlaysay. Markaa, ninkaasi waa nin ay Marxuumaddu lacag ku lahayd oo arrintoodu Maxkamadda taallay, isla markaana aan u tuhunsanahay inuu kiiskaa ku jiro. Laba Dumar ah oo kalena anigu garan maayee Booliska soo xidhay, markaa tobankaa qof baa illaa hadda u xidhan.”

Cabdirisaaq oo aannu weydiinnay ka sokow Ganacsiga iyo Hagbadaha ay Walaashii qaban jirtay inay jiraan tuhunno kale oo la xidhiidha inay arrimo siyaasadeed ku shaqo lahayd, waxa uu ku jawaabay; “Maya walaal, wax arrimo siyaasadeed ah oo ay Marxuumaddu ku lug-lahayd ma jirin oo aannu ognahay illaa hadda.”

Mar la weydiiyey Cabdirsaaq Siciid Ayaanle, waxa ay kala socdaan hadal-haynta dadweynaha ee la xidhiidha in gabadha ay kiiska walaashood u haystaan oo la isla dhex-marayo in kiisas kale oo dad la waayey ah lagu xidhiidhinayo, waxaanu yidhi; “Waannu maqalnay, waxa la igu lahaa Gabadh u shaqayn jirtay oo lacag badan ku yeelatay in la waayey, Gabadhii sheerka (Jiif oo jaq) oo la leeyahay iyadaa cid ugu dambaysay wararkaas oo dhan waannaqalnay. Laakiin, annagu waxaannu culayska saarnay inaannu kiiskayaga hawshiisa ku koobnaanno oo wax aan hadal-hayntaa ahayn kalama soconno.”

Cabdirisaaq oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey qaabka loo dilay Mardxuumad Ruqiya sida uu Meydkeedu ahaa iyo natiijada ay Dhakhaatiirtii baadhitaanka ku sameeyey soo saareen, waxa uu yidhi; “Wallaahi Dhakhaatiirta natiijadooda Xeer-ilaalintaa loo gudbiyey oo nalooma sheegin iyo baadhista-ba ee Booliskaa gacanta ku haya. Inanta halkaa qoorta sare ayaa wax lagaga dhuftay madaxa oo dhakada ah ha ahaato ama Margiyada ha ahaado, xagga sare ee Madaxa iyo dhegta dabadeeda ayaa dillaac lahaa, laakiin jidhka inta kale sidiisii ayuu ahaa, lamana googgoynin ee wuu isku yaallay, Anigaa dul-taagnaa oo ka mid ahaa Raggii godka ka soo saaray Meydka Marxuumadda, markaa muu googgo’nayn.”

Waxa uu gebo-gabadii waraysigan soo jeediyey Cabdirisaaq oo uu yidhi; “Waxaan soo jeedinayaa oo aan dawladda u soo jeedinayaa, haddii aan sharciga la fulin oo aan qofka qof la dilay loo dilin, in ay iman doonto in suuqa la isku-dhex toogto, isla markaana aan sharciga, dawladda iyo kala-dambayntu shaqaynin. Waxaan leeyahay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Taliska Booliska Somaliland-ba arrinta Booliska Saldhigga jooga, gaar ahaan labada nin ee aannu ka cabannay arrintooda hoos halloo eego oo wax hallaga qabto, waayo? Boolisku waa meeshii loo soo cabanayey ee nabadgelyada Masuulka ka ahayd haddii marka Booliska loo yimaaddo ee loo soo cawdo cidda cabanaysa ay la eegi waayaan cabashadooda waxa iman doonta in shacabku sharciga gacantooda ku fushado, markaa waxaannu leenahay cabashada dadweynaha halla eego, sharcigana halla fuliyo.”

 

XIGASHO: HIMILO