“Qaybin badan baa ku jirta Bulshada reer Somaliland…Qabyaalad xun baa innaga dilaacday oo qof, Qoys iyo reerba ah” – Guddoomiye Saleebaan

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in Bulshada Somaliland kala qaybsan tahay, sidaasi darteed loo baahan yahay in laga hawl-galo sidii loo mideyn lahaa Bulshada.

Guddoomiye Saleebaan oo Maanta hadal u jeediyey Mudaneyaasha Golaha Guurtida oo muddo-kordhin u sameeyay Wakiillada, waxa uu sheegay in Somaliland lagu waday isku tanaasul, laakiin xiligan ay Bulshada kala qaybinayaan Madax-dhaqameedku.

“Qaybin badan baa ku jirta Bulshada reer Somaliland, waxba yaynaan isku qarin ee waynu qaybsan nahay, cabasho badan oo si yar loo bogsiin lahaana waxa lala doontaa Makarafoonnada, Ummad yar oo intan leeg oo Qaybsanina Wallaahi in aanay horumar iyo midnimo gaadhi karin, wax yar baynu nahaye waxaan Ilaahay ka rejaynayaa inuu quluubteena isku soo jeediyo, qabyaalad xun baa innaga dilaacday oo qof, Qoys iyo reerba ah, aynu is-dawayno. Isku Tanaasul, isku kalsooni ayaynu ku wadnee oo tiro badan iyo xoolo kumaynaan wadin ee waynu is jeclayn ee aynu isku soo noqono.”

“Madax-dhaqameedkii Iyo Waxgaradkii Bulshada oo Ilaahay Carrabkooda uu ku salliday Qabyaalad iyo qaybin iyo nacayb abuur, haddii Madaxdii reeruhu ay iyagu inoogu baaqaan qaybinta sidaynu ku heshiinaynaa? waxaanu ka codsanaynaa inay innaga joojiyaan (Qaybinta)”, sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.