Qayb cusub oo lagu Kordhiyey Adeegyada Caafimaadka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamud Maxamed “Xuseen Xoog” ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu soo kordhiyay Cisbitaalka Guud ee Caasimada Gaar ahaan qaybaha Sawirka Lafaha ee Ex-Ray .

Wasiirka Caafimaadka oo Xadhig ka jarista dhismahan hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in dhismahan cusub uu ku kacay kharash dhan Todoba iyo Afartan kun oo dollar,kaas oo ay bixisay sida uu sheegay wasaarada caafimaadku,wasiirku waxa uu xusay in qaybtan uu furay ay u dhamaystiran yihiin qalabkii ay ku shaqayn lahayd,marka laga reebo sida uu yidhi qalab dhexda ku soo jira,waxaanu intaas ku daray in qaybtani tahay tii afaraad ee lagu soo kordhiyo cisbitaalka.

Wasiirka caafimaadka ee Somaliland waxaa kale oo uu sheegay inay ku talo jiraan,sidii dhamaan cisbitaalka dayactir loogu samayn lahaa isla markaana ay ka gacan siinayso Midowga Yurub.

Dr Xuseen Maxamud “Xuseen Xoog” waxa uu ku dooday in isbedel muuqda uu ku talaabsaday cisbitaalka guud iyadoo ay haatan ka hawl galaan dhakhaatiir ajaanib ah iyo kuwo Somaliland u dhashay isla markaana fuliya adeegyo badan oo caafimaad,waxaanu tusaale u soo qaatay in markii u horaysay Cisbitaalka guud laga hirgaliyay qayb lagu daweeyo dadka ay ku dhacaan cudurada maskaxda .

Wasiirka Wasaarada Caafimaadku waxa uu u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Ku Xigeenkiisa iyo Wasaarada Maaliyada,oo xil gaar ah iska saaray hawlaha caafimaad.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa Axmed Xaaji Cumar Askar ayaa dhiniciisa ka sheegay in mudo lix bilood gudahood ah,lagu soo kordhiyay dhismaha qaybtan afaraad ee cisbitaalka.

Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Gudida Cisbitaalka Axmed Muxumed Madar.