Qaxootiga Yaa Siyaasadeeyey? Farriin ku Socota Qofkasta oo ka faallooday

QALINMuuqaalka Hooyooyin dul saaran markab isla markaana ku calaacalaya in dhulkoodii loo diiday, haddii taasi lagu adkaystana isdilaya, waa dhacdo aad u xanuun kulul oo runtii aan aad uga damqaday, waxaa isla markiiba buux dhaafiyey kumanaan fariimood oo dhalinyarada reer Somaliland hor boodayaan oo lagu dhaleecaynayo go’aanka xukuumadda Somaliland qaadatay.

Waa dhab oo waa arrin la dhaleeceeyo laakiin bal aynu ka gungaadhno xaqiiqooyinka ku hareeraysan dhacdadan markaas ka dib waxaad dib ugu soo noqotaa dulucda faallooyinkii aad bixisay.

Bini’aadantinimo la siyaasadeeyey:

Qaxootiga cidda ugu waayo aragsani waa Somaliland, waana sababta ay horseedka iyo halbeega ugu yihiin gobanimada, xaggee haddaba wax ka khaldameen? Somaliland kumanaan qaxooti ah oo hore ayay si sharaf leh u soo dhoweysay, gacmo furan ayay ku qaabishay, waxaa markiiba soo gurmaday hay’adaha caalamiga ah oo gacansiinaya qaxootiga, iyada oo xaalku sidaas yahay ayaa dawladda Somalia waxay sheegatay dhammaan wixii Somaliland qabatay, waana arrin duuban, intaas kuma joogin ee waxay si rasmi ah u iclaamisay inay tahay cidda soo dhoweynaysaa Dawladda Federaalka ah Qaxootiga ka degaya magaalada Berbera, waxay weliba sii raaciyeen inay iyagu maamulka dekedda gacanta ku hayaan, arrinta oo halkaas maraysa ayay haddana ficil ku dareen oo waxay Berbera ka soo dejiyeen markab uu kireeyey Baarlamaanka Federalkaa ah, waxaa dadka qaxootiga ah oo u badnaa reer Somalia ay codsadeen in laga dejiyo Muqdisho laakiin waa loo diiday oo waxay dhaheen Berbera ayaa laydinka Dejinayaa, iyaga oo dunida u tusaya inay Dekeddoodii tahay, way ka soo dejiyeen haddana intaas kuma joogin ee Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa si jeesjeesa u bahdilay Somaliland, qodobkaas oo taagan ayay haddana waxay amar ku siiyeen hay’adaha caawimada bixinayey in dadkan loo aqoonsado Barakacayaal ee aan Qaxooti loogu yeedhin, isla markaana wixii Mucaawano ah Xamar la marsiiyo si Somaliland u hoostagto Muqdisho.

Haddaba Akhriste marka intaas lagugu sameeyo maxaad samayn lahayd? kaba soo qaad waxaad tidhi annagaa caawinayna, waa sida aan aniguba samayn lahaa oo gobanimada qaadan lahaa, qorshaha fog ee dawladda Somalia, wuu ka durugsan yahay Qaxooti la keeno Somaliland laakiin waa in Somaliland laga abuuro xasilooni darro, waxaad isweydiinay sidee arrintaasi u suuro gelaysaa?.

Waxay ku talo galeen inaan dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dagaallada Yemen la geyn xeryo gaar ah, taas bedelkeeda lagu sii dhex daayo magaalooyinka, qof og in magaaladiisii gubanayso miyuu dhaafayaa ayay kula tahay magaalo nabdoon marka lagu sii dhexdaayo? haddiiba la is dhaho is dhaafiya yaa kala saari karaya qofka Xamar u dhashay iyo kan reer Somaliland waa isku muuqaal? Dawladda Somaliya qorsheheeda ayaa ah in Somaliland laga dejiyo illaa 100,000 oo qaxooti ah oo ay ku dhex dhuuman karaan kooxaha argagixisada ahi, ka waran dadkaas oo Berbera ka soo degey oo ay ku soo dhuunteen kooxo argagixiso ahi, iyada oo aad doorashooyin ku jirto? bal caqliga la innala ciyaarayo eega? adigaan ku weydiiyee Somaliland diyaar ma u tahay ama awoodeeda ma leedahay ay ku kala hufto 100,000 oo qaxooti ah. la soco hadhow haddaad dad xidhxidho waxaa kugu qaylinaya qolada Xamar oo dhahaya qaxootigii ayay cabudhinayaan sida ay iminkaba samaynayaan. aan halkaas suaal kugu dhaafo markaas ma Somaliland ayaa Qaxootiga Siyaasadaysay mise Somalia?

Qaxootiga miyaa la celiyey? Muuqaalka la Faafiyey maxaa ka Jira?

Waxaad dhegaysataan Waraysiga Guddomiyaha Berbera uu siiyey VOA, sidoo kale waxaad waraysataan dadka reer Berbera, sidoo kale waxaad raadisaan Qaxootiga soo degey laftooda, dadkan muuqaalka laga duubay muddo laba saacadood ku siman ayaa markabka lagu celiyey, waxaana laga doodayey halkii la dejin lahaa, waayo dadka reer Somaliland toos isu debera ayaa lagu dhahay laakiin dadkan iyaga in meel la dejiyo isla markaana laga fekero wixii ay cuni lahaayeen ayaa la waday, iyada oo taas lagu maqan yahay ayaa Telefiishanka uu share-ka ku leeyahay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ee Somali Channel oo mar hore la sii diyaariyey wuxuu u dhuuntay qaxootigii, wuxuuna ka duubay muuqaallo, waxaad isweydiisaan warbaahin kala duwan ayaa joogtay ee maxay warkan u heli waayeen?

Somali Channel waa telefiishanka keliya ee baahiyey, Somali Channel waa telefiishanka astaanta ka dhigtay sawirka Madaxweynaha Somalia markii la dooranayey, Somali Channel waa telefiishanka Madaxweyne Xasan uu siiyo waraysiyada iyo fursadaha ugu badan. waana cidda faafisay muuqaalladan.

Dekedda Berbera:

Wasiirka Arrimaha Debedda waraysi uu siiyey VOA 29/5/2015 wuxuu ku sheegay in dekedda Berbera ay dadku khasab kaga degayaan, wuxuu sheegay inay iyagu maamulayaan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia si taas la mid ah, intaasi waa dooddii siyaasiga ahayd ee ay awelba akhriyi jireen Madaxda Somalia laakiin sheekada layaabka leh ayaa ah, si dawladda Somalia ay isugu dhufato Somaliland iyo Ethiopia waxay heshiis kula gashay dalka Masar inay ka shaqeeyaan Dekedda Berbera oo ay wax ka qabtaan, waxaa heshiiskaas gaadhay Wasiirka Kalluumaysiga ee Somalia, bal adiga ayaan ku weydiiyee sidee Deked aanay maamulin heshiis ugu geli karaan? markay Masar heshiis u saxeexayaan maxay u jeedaan?

http://www.egyptindependent.com/news/egypt-help-developing-somalia-s-berbera-port

Haddaba Dhalinyarada jecel qaranimada Somaliland waxaan leeyahay, waxaad kala saartaan dareenka caadifadda leh iyo weliba qaranimada dalka, waxaad ogaataan laba islaamood oo gaajooday ayaad ka cadhooteen ee in qarankan loo huray nafo badan, waxaad ogaataan dadkan aad u cadhoonaysaan inaanay qadarin wanaagiina, bal car waxaad soo heshaan qof Somaliland ku ammaanaya dareenka shacabka somaliland arrintan ka muujiyey? waxaad soo heshaan qof reer Xamar ah oo si niyad ah uga xun kumanaankii reer Somaliland ee la xasuuqay? waxaad ii sheegtaa qof reer Muqdisho ah oo ka xun Xildhibaan u dhashay Somaliland hase ahaatee u shaqo tegey Xamar oo suuqa badhtankiisa ay ciidamadii dawladdu ku dhex dileen cid tidhaahda cadaalad darrada hala joojiyo? bal waxaad ii sheegtaa qofka keliya ee reer Xamara ee ka hadli kara kumanaanka guri ee ay khasabka ku haystaan.

Waan ku faanayaa gobanimada laakiin faallooyinka aynu ku darno hubsiimo, aynu ogaano waxa aynu ka faalloonayno, haddii kale berri waxaynu taageeraynaa Wasiirka Kalluumaysiga Somalia ee Masar la soo saxeexday inuu iibiyo dekedda Berbera, intuu muuqaal innoo duubo ayaynu hor boodi doonaa.

 

Maxamed Daahir Xasan

Candidate of Master of Political Science.

Political Science.