Qaxooti ka soo barakacay Xasuuqii Jaamac Dubbad oo Gudaha Somaliland ku sugan iyo Qayla-dhaanta Badhasaabka Gobolka Togdheer

Burco (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim (Qabo), ayaa faahfaahin ka bixiyey Qaxooti ka soo baracay deegaanka Jaamac Dubad oo ka tirsan degmada Gaashaamo ee dalka Itoobiya oo dhawaan ciidamada dalkaasi xasuuq ugu gesteen dad Shacab ah oo carruur iyo haween ku jiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo shalay ka soo laabtay socdaal isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa todobaadkii hore ugu baxeen degmada Ballidhiig oo ku taalla xudduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxa kale oo uu sheegay in dadkii shacabka ahaa ee ciidamada Itoobiya ku xasuuqeen deegaanka Jaamac Dubbad ay ku jireen Hooyo iyo wiil ay dhashay oo haystay dhalashada dalka Ingiriiska. Badhasaabku waxa uu sheegay in Hooyada iyo wiilkeeda oo ka tagay magaalada Burco, booqashana ku tagay deegaankaas ay xasuuqaas ku dhimatay, halka wiilka yarna dhaawac ka soo gaadhay wakhtiganna lagu daawaynayo cusbitaalka guud ee magaalada Burco.

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN