“Qaxoontiga Dhadhaab dhamaantood waxay doonayaan inay ku laabtaan dalkooda” UNHCR

Nairobi, (SLP)- Hay’ada qaxoontiga adduunka u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay Salaadadii doraad in qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Kenya doonayaan inay dalkooda iskood ugu laabtaan.UNHCR

Mas’uuliyiin ka tirsan UNHCR ayaa sheegay ka dib shir saddex-geesood ah oo dawladda Soomaaliya, Kenya iyo qaramada midoobay ay Nairobi ku yeesheen in tallaabada labaad ee la qaadayaa ay noqon doonto in la hubiyo inay qaxoontigu si iskood ah ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya, loona helo agabkii ay ku laaban lahaayeen. “Qaxoontiga ku jira xeryaha Dhadhaab oo dhami waxay doonayaan inay si iskood ah ugu laabtaan dalkooda, balse waxay u baahan yihiin deegaanno nabdoon oo ay ku laabtaan iyo waxyaabihii aasaasiga ahaa ee ay ku laaban lahaayeen. Waana midda aanu u baahannahay inaan kawada shaqeynno,” ayay tidhi madaxda UNCHR.

Sidoo kale, hay’adda qaxoontiga adduunka ayaa sheegtay in hawsha dib u laabashada qaxoontiga ay billaabantay bishii November 2013-kii, ka dib markii ay Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR saxeexeen heshiiska saddex-geesoodka ah.

Heshiiskan saddex-geesoodka ahi waa mid dhigaya in qaxoontigu ay si iskood ah dib ugu laabtaan, balse aan lagu qasbin inay dalkooda ku laabtaan, iyadoo Kenya ay dhawaan ku dhawaaqday in xeryaha qaxoontiga Dhadhaab lagu xidho muddo saddex bliood ah.

Dhinaca kale, wasiirradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Aamina Maxamed ayaa iyaduna sheegtay in shirkii saddex-geesoodka ahaa ee doraad Nairobi lagu qabtay lagaga hadlay in qaxoontiga Dhadhaab dib loogu celiyo dalkooda muddo saddex bilood gudahood ah.

“Waxaanu isla garannay saddexdayadii dhinac in qaxoontiga Soomaalida ah dib loogu celiyo dalkooda sida ugu dhakhsaha badan, muddaduna waa saddex bilood gudahood; balse wax walba waxay ku xidhnaan doonaan sida hawshu ay u fusho,” ayay tidhi Aamina Maxamed.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa ku dhawaaqay dhawaan in hay’adda qaxoontigu ay Soomaaliya dib ugu celiso qaxoontiga ku jira xeryaha Dha-dhaab muddo saddex bilood gudahood ah.

 

Somalilandpost.net