Qaxoonti ka soo Cararay Dagaaladda Yeman Oo Xalay Soo Gaadhay Saylac

Saylac, (SLpost)- Badhasaabka  Gobolka Salel Mr. Cabdirisaaq Waabari Rooble, ayaa sheegay in xalay ay dekadda Saylac soo gaadheen 14 qof oo qaxoonti ah oo ka soo cararay colaadaha ka oogan dalka Yeman.

Badhasaabka Salel oo xalay u waramayay wargeyska DAWAN, ayaa sheegay in dadkan qaxoontiga ah ee tabaalaysan ay dejiyeen isla markaana ay marti-gelinayaan. “Waxa caawa(xalay) xeebta Saylac soo gaadhay qaxoontigii ugu horeeyay ee ka soo cararay dagaaladda ka socda dalka Yeman, kuwaasi oo ah 14 qof oo carab ah oo dhammaantood ka soo qaxay magaaladda Cadan ee dalka Yeman. Dadkan si wanaagsan ayaanu u qaabilay, waanan marti gelinaynaa,  waxaana la dejin doonaa magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland halkaasi oo la dejiyay dadkii kale ee ka soo qaxay dagaalka Yeman,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Salel.

Badhasaabku waxa uu sheegay in siyaasadda xukuumadda Somaliland ay tahay in la soo dhaweeyo dadka ka soo qaxay dagaaladda Yeman. “Annagoo fulinayna siyaasadda xukuumadda Somaliland waxaanu soo dhaweynay dadkan tabaalaysan oo daalan oo muddo maalmo ah soo saarnaa dooni yar oo ay ka soo raaceen xeebta Cadan.”

Source: DAWAN