Qaraxyo lala beegsaday Isu-soo bax Siyaasadeed oo ka dhacay Magaalada Caruusha ee Tanzania

carusha

Carusha (SLpost)- Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay inay dhinteen, 20 kalena dhaawacyo qaar kood halis yihiin ayaa soo gaadheen kadib markii qaraxyo ruxeen dibad-bax siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tanzania,

Sida uu baahiyey Wargeyska Daily News ee ka soo baxa Tansaaniya, Qaraxan ayaa dhacay abbaaro 6-dii maqribnimo wakhti uu Guddoomiyaha Qaran ee xisbiga Chama Cha Demokrasia na Maendeleo (CHADEMA), Freeman Mbowe uu ka soo dagay mimbarka kadib markii uu khudbad ka jeediyay Garoonka Kubadda Kolayga ee Soweto ee Laanta Central Kaloleni.

Mbowe ayaa waxa la socday xildhibaanka laga soo doorto Magaala Weynta Arusha Godbless Lema iyo saraakiil heer gobol ah oo ka tirsan xisbiga CHADEMA markii walax lagu soo tuurey, ay ku dhacday badhtamaha dadweynaha, qarxay sameeyay dhawaq aad u wayna lagu war helay.

carDadka ayaa qaylinayay una kala yaacay afarta jiho iyaga oo raadinaya gabbaad, waxaase u xigay laba qarax oo kale oo isla goobta ka dhacay.

Taliyaha Bilayska Gobolka Arusha Liberatus Sabas ayaa sheegay in bilaysku wali baadhayo shilka, mase xaqiijin taliyuhu xadiga khasaaraha ay keeneen qaraxyadaasi.

Dhibanayaasha ayaa markii hore loo qaaday Cusbitaal-goboleedka Mount Meru, iyada oo qaar kalena loo wareejiyay isbitaallo kale oo uu ku jiro Istibaalka Selian Lutheran.

Mbowe wax dhib ah ma gaadhin. “Waan bad qabaa, dhammaantayona waannu fiicannahay,” ayuu yidhi, isaga oo si muuqata u gariiraya, markii loo sii waday dhinaca gaadhigiisa.

Olalahan dibad-baxeed ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee la xidhiidha diyaar garowga doorashooyinka Magaalada Arusha ee Axadda si loo buuxiyo kuraas wakiillo oo ka banaan laamaha Kaloleni, Themi, Elerai iyo Kimandolu.

SOMALILANDPOST.NET