Qaraxyo Galaaftay nolosha Tobanaan Qof iyo dhaawaca boqolaal kale oo Ciraaq ka dhacay

Baqdaad, 20 March, 2012 (SLpost)- Saraakiisha amaanka ee dalka Ciraaq ayaa Maanta sheegay inay dhinteen in ka badan afartan qof,halka dhaawacuna uu ka gaadhay ku dhawaad laba boqol oo qof kadib markii qaraxyo baabuur loo adeegsaday dhawr xarumaha dawlada ah  oo ku yaala magaalooyin ay ka mid tahay Caasimada dalkaasi ee Baqdaad.

Saraakiisha Amaanku waxay intaas ku dareen in dhamaanba qaraxyadaasi ay Gilgileen magaalooyinka kala duwan ee ay ka dhaceen wakhtiyo isku mid ah.

Masuuliyiinta amnigu waxaa kale oo ay tilmaameen in qaraxyadani ay noqonayaan kuwii ugu badnaa ee maalin qudha ka dhaca dalka ciraaq gaar ahaan sannadkan aynu ku guda jirno,Warku waxa uu intaas ku darayaa in la filayo inay dhimashadu kor u sii kacdo maadaama ay jiraan dad uu dhaawacoodu aad u xun yahay.

Geesta kale Saraakiishan ayaa ku eedeeyay inay qaraxyadan ka danbeeyeen kooxaha argagixisada ah sida ururka Al-Qaacida oo diidan ayay yidhaahdeen shirka dawladaha carabtu ka leeyihiin arrimaha dalka ciraaq ee la qaban doono 27 bishan waxaanay xuseen in ujeedadoodu ay tahay sidii ay hakad u gelin lahaayeen shirkaas.

somalilandpost.net

Hargeysa/somaliland