Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac sababay oo Muqdisho lagula beegsaday Masuuliyiin dawladda Soomaaliya ka tirsan

Muqdisho (SLpost)- Laba Qarax oo dhimasho iyo dhaawac kala duwan sababay, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, kuwaasoo lala beegsaday Masuuliyiin dawladda xilal ka haya iyo kuwo hore uga hayn jiray.

541Labada qarax ee maanta ka hacay magaalada Muqdisho ayaa mid ka mid ahi sababay dhimashada Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Xamar Weyne Faarax Daahir Jimcaale, oo ku geeriyooday qarax gaadhigiisa loogu xidhay. Halka qaraxa labaadna uu ka badbaaday Guddoomiyaha degmada Huri-waa Abshir Kaaraan wakhti uu la socday gaadhigiisa.

Qarax lala begsadey guddoomiye ku-xigeenka degmada Huriwaa Abshir Kaaraan waxa uu dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh Axmed Xasan Yalaxoow oo ah Guddoomiyaha degmada Kaaraan, ayaa Saxaafadda u sheegay in qaraxaas ay laba qof naftooda ku waayeen, shan qof oo kale oo ay ku jiraan ilaaladiisana ay dhaawacyo kasoo gaadheen.

Ciidammada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, oo goobahaas gaadhay qaraxyada ka dib, ayaa sheegay inay wadaan baadhitaanno la xidhiidha qaraxyada maanta Muqdisho ka dhacay, kuwaasoo aanay jirin weli cid masuuliyaddooda sheegatay inay ka dambaysay. Balse, cidda qaraxyo iyo weerarro qorshaysan ka fulisa gudaha Muqdisho ay tahay sida looga bartay Kooxda Al-Shabaab oo ka tirsan Shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida.

347Qaraxyadan maanta ka dhacay Muqdisho, ayaa ku soo beegmay xilli uu habeen-hore Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud socod ku dhex-maray Suuqyada kala duwan iyo Saldhigyada qaybaha Ciidammada ee magaalada Muqdisho, isagoo Salaan gacan-qaad ah ku salaamayey dadka uu kula kulmay goobaha ganacsiga ee Meheradaha iyo Huteellada uu socodka ku maray, Saraakiisha Ciidammada ee goobaha uu tegay ku sugnaana warbixinno ka dhegaystay. Waxaanu noqonayaa socdkaasi kii ugu horreeyey ee uu sidaas oo kale goobaha bulshadu ku kulanto ee Suuqyada Muqdisho uu ku maro Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo intii uu xilkaas qabtay.

SOMALILANDPOST.NET