Qarax Xooggan oo Gilgilay magaalada Laascaanood (DAAWO VIDEO)

Laascaanood (SLpost)- Qarax Xooggan oo laga maqlay dhammaan magaalada Laascaanood, ayaa saaka ka dhacay Jidka Geeda-Qarsa ee Koonfurta Magaalada Laascaanood, waxaana khasaare ka soo gaadhay gaadhi booyad ah oo halkaas maraysay.

Goobta Qaraxu ka dhacay oo ku taala Jidka taga Ceelasha biyaha Durdurka ah ee magaalada Laascaanood, ayaa marka laga yimaaddo Burbur ku yimi gaadhiga booyadda, ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo qaraxaasi sababay, waxaanay isla markiiba goobtaas gaadhay masuuliyiinta Gobolka Sool iyo Ciidamada Ammaanka gobolka.

HALKAN KA DAAWO WARKA OO DHAMMEYSTIRAN.
[youtube http://www.youtube.com/watch?v=pHQZhDMeyMw]

SOMALILANDPOST
HARGEYSA, SOMALILAND