Qarax Khasaare kala duwan Sababay oo Maanta lala Beegsaday Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (SLpost)- Qarax culus oo maanta gelinkii dambe ka dhacay Hotel lagu cunteeyo oo ku taala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qarax_LiidoQaraxan oo loo addeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey, ayaa ku qarxay afaafka laga galo huteelkaasi, gaar ahaan halka gaadiidka la dhigto, waxaana la tilmaamayaa inay ku dhinteen laba qof oo kala ah qofkii gaadhiga waday iyo qof kale oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka mid ahaa dadkii halkaasi ku sugnaa, kuwaasi oo midkood yahay shaqaalaha Hudheelkaas.

Inkasta oo qaraxu daqiiqado ka hor ka dhacay, ayaan ilaa hadda si dhab ah loo ogayn khasaaruhu inta uu leeg yahay, marka laga yimaado intaa aanu sheegnay, iyadda markii qaruxu ka dhacay ay halkaasi gaadheen ciidamo boolis iyo Milatari ah oo baadhitaan bilaabay, iyadda oo dadka dhaawacmayna cisbitaalada loo daad-gureeyay.

Qarax_Liido_MuqdishoSaraakiisha booliska oo qaraxa ka dib halkaas gaadhay oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in qaraxaasi ahaa mid aan sahlanayn oo ay ku dhinteen laba qof, isla-markaana ku dhaawacmeen tiro dad ah.

Somalilandpost.net