Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Gaalkacayo

Gaalkacayo (SL.Post) Laba qarax oo aad u culus,  ayaa ka dhacay xeraddii hore ee Dayaxa magaalada Gaalkacyo oo haatan laga dhigey Suuq aad u weyn.

 

Qarax-Suuqa-Cusub-Gaalkacyo-4

 

Qaraxyada dhacay ayaa ahaa labo, ayaa waxa fuliyey qof naftiisa biimeeyey oo gaadhi ku dhuftay derbiga Dowladda Hoose, weerarkaas ayaa geystey khasaare aad u ba’an gaar ahaan waxaa ku dumay inta badan guryihii suuqa laga dhisey, waxaana gaarigu ahaa nooca loo yaqaan Daynaha ee xamuulka yaryar loo isticmaalo, kadib waxaa gobta ku soo xoomey oo isugu yimid dadweyne aad u faro badan, ardeyd ka soo yaacdey iskool goobta ku dhaw. Waxaa la maqley rasaas ka soo dhacaysa gaari nooca NOAH loo yaqaan, kadib waxaa u jawaabey ciidanka AMNIGA, waxaana gaariga oo xoog usocdaa lagu dhex qarxiyey dadkii isugu soo baxay halka weerarku ka dhacay, waxaana halkaas ka dhacay dhimasho iyo dhaawac aad u badan.

Qarax-Suuqa-Cusub-Gaalkacyo-4

 

 

Dadka geeriyoodey ayaa dhamaantood ahaa ganacsatada yar-yar, ardey, xamaali, macaamiisha suuqa adeega u soo doobtey iyo dad kale oo rayid ah. Wararku waxay sheegayaan in dadka ku geeriyoodey uu kamid ahaa taliyihii ilaalada canshuuraha ee Dowladda Hoose Gaalkacyo Khadar Dhuubane.

 

Qarax-Suuqa-Cusub-Gaalkacyo-3

 

Waa adagtahay in la ogaado khasaaraha nafeed ee meesha ka dhacdey marka la eego dhibaatada uu geystey qaraxa danbe, weriyaha Horseed Media ayaa sheegaya in uu laamah caafimaadka ka ogaadey ugu yaraan 15 qof in ay geeriyoodeen, ayna jiraan dad dhaawacyo culus qaba.

Qarax-Suuqa-Cusub-Gaalkacyo-2

 

Weerarkan ayaa imaanaya iyada oo magalada Gaalkacyo ay ka socotey hawlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada PSF iyo Danab kaas oo lagu soo qab qabtey saraakiil sarsare oo al-Shabaab ah.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa