Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Hotelka Makka Al-Mukarama ee Muqdisho

Muqdisho(Slpost)Gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay dhabarka dambe ee Hotelka Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

130216181031-somalia-bombing-story-top-400x225

Wararka laga helaayo dad goobjoogeyaal ayaa sheegaaya in gaariga qarxay uu yaalay meel gawaarida la dhigto (Parking) isla markaana uu si kedis goobta ugu qarxay.

Xilliga uu qaraxa dhacayay waxaa hoteelka ku sugnaa Saraakil sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya uuna kamid yahay Afhayeenka ahna La taliyaha Madaxweynaha Eng. C/raxmaan Yariisow.

Ilaa labo qof oo ka agdhowaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen, waxaana loo maleynaaya bartilmaamedka qaraxa uu ahaa hoteelka.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda qaraxa, balse waxaa ku caan ah qaraxyada Ismiidaaminta kooxda al-Shabaab oo todobaadyadii u dambeeyay Muqdisho ka fulisay weeraro ba’an.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland